|

“Isku canaanan maynno in aanu Xukuumadda KULMIYE wakhti siinno ” Siciid Sulub Maxamed

Hargaysa 12.June 2014 (SDN)- Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Xukuummaddii Madaxweyne Rayaale Siciid Sulub Maxamed,ayaa sheegay in ay guul u tahay Xukuumaddoodii hre ee UDUB in ay ka aamusnaadaan muddo badan oo afar sano ah Xukuumadda ka dhalatay Xisiga KULMIYE ee doorashada kaga adkaaday,waxaanu ku sababeeyay in ay ujeedadoodu ahayn in ay wakhti siiyaan isla markaana isku daayaan KULMIYE iyo dadka reer Somaliland si ay isku bartaan.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in la gaadhay wakhtigii uu hadalku u furnaan ahaa oo hadda ay ay si fiican isku barten KULMIYE iyo dadkiisu,waxaanu sidaa ka sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo maanta loogu sameeyay ku soo biiridda xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

“Isku canaanan maynno in aanu Xukuumadda KULMIYE wakhti siinno oo aanaan a hadal ama sidoodii ku jiqsii odhan,shaanina qarxin sababtoo ah waanu necayn siday KULMIYE markii ay mucaaridka ahaayeen ay wax u wadeen maanta nalama hagaagsana in la yeelo sidoodii laakiin waa la xisaabtamayaa  oo waxay soo kordhiyeenna waa la sheegayaa waxay dhibaato geysteenna waa la sheegayaa,maanta waxaa inoo baxaysa inshaarada tii huruuda ahayd oo leh digtoonow ka dibna waxaa bixi doonta tii doogga ahayd oo ina araysa in hadalkii fasaxan yahay.”

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed