Iskaashi xiligan dhexmari kara Mucaaradka suuriya iyo dawladda Israa’iil
New York May 10,2013(SDN)-Wargayska the Time ee dalka maraykanka ayaa faalo ka sameeyey wax uu ku tilmaamay iskaashi xiligan dhexmari kara Mucaaradka suuriya iyo dawladda Israa’iil
Wargaysku waxa faaladiisa ku yidhi israa’iil waxa ay u aragtaa in weerarkii duqaynta cirka ee ay dhowaan ku qaaday meelo ka mid ah gudaha suuriya uu hadaf ugu ahaa jamhuuriyadda Iran si ka badan sida uu u saamaynayey dalka suuriya, isla markaana qayb ka mid ah weeraradii dhinaca cirka lagu bartilmaameedsaday laguna burburiyey gantaalo laga keenay dhinaca Iran, kuwaasoo khatar ku keeni kara hadii ay galaan gacmaha ururka shiicada ah ee xisbullaah ee dalka Lubnaan oo ay taageerto Jamhuuriyadda Iran.
Wargayska Time waxa uu dhanka kalena iftiimiyey in isbedel ku yimid sheegashooyinkii israa’iil ee ku saabsanaa in israa’iil aanay wax lug ah ku yeelanayn dagaalka sokeeye ee ka socda wadanka la deriska ah ee Suuriya, maadaama ay hadda uun is aragtay israa’iil inay gudaha ugu jirto waxa ka soconaya dalkaasi suuriya. si weyna ay uga werwersan tahay in hubka suuriya loo wareejiyo dhinaca xisbullaah hadii ay xukuumadda Bashaar al asad dareento inay sii liicayso.
wargayska ayaa qaybta dambe ee faaladiisa waxa uu ku iftiimiyey in hadii ay weerarada cirka ee israa’iil soo noqnoqdaan ay keeni doonto in suuriya qaado talaabo aargudasho ah, iyadoo isticmaali karta hubka kiimikada, israa’iilna si lama filaan ah ay u noqon karto daraf ka mid ah colaadda ay qaybta ka yihiin kooxaha jihaadiyiinta, karaahiyada iyo is nacaybka daa’ifadaha kala duwan iyo weliba hubka kiimikada ah
mas’uuliyiin ka tirsan mac-hadka daraasaadka dagaalada ee xaruntiisu tahay Magaalada washington ayaa wargaysku ka soo xigtay inay ku aaminsan yahiin in weerarada israa’iil ee gudaha Suuriya ay dhabarjab ku yihiin inta doonaysa in la rido nadaamka bashaar al-asad, maadaama ay suurogal tahay in dadka qaarkii rumaystaan sheegashada bashaar al asad ee ku saabsan in mucaaradka hubaysani qayb ka yihiin shirqool guud oo israa’iilĀ la damacsan tahay dalkiisa.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com