Iskaashatooyinka Basaska ee Hargaysa oo daboolka ka qaaday inay Kordhinayaan Qiimaha Basaska lagu raaco,Xukuumadana baaq u diray
Hargaysa 28.Feb (SDN) Iskaashatooyinka Basaska Ka howl gala caasimada Hargeysa ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ay qabteen Hargaysa Waxay kaga hadleen kor u kaca qiimaha shidaalka iyo saamaynta uu ku yeeshay gaadiidka Basaska u kala goosha degmooyinka iyo xaafadaha magaalada, kaasi oo ay sheegeen in haddii uu sidaa ku sii socdo kor u kaca shidaalku uu ku khasbayo inay kordhiyaan qiimaha Basaska lagu raaco.
Shirkan jaraa’id oo ay wada jiru qabteen Gudoomiyayaasha saddexda iskaashato ee Basaska, waxa ugu horayn halkaa kahadlay Gudoomiyaha Iskaashatada Basaska waaweyn Xuseen Axmed Maxamed Waxaanuu sheegay in uu saamayn weyn ku yeeshay kor u kaca qiimaha shidaalku Gaadiidka iyo darawaliuita wadaba, waxaanuu xusay in halka uu hadda marayo qiimaha shidaalku uu kelifayo in qiimihii Basaska lagu raacayey in la kordhiyo.
Gudoomiyayaasha Ururada Basaska yar-yar ee Dal-mar iyo Maroodi Jeex sh.C/raxmaan Maxamed cali iyo Axmed Ismaaciil Jaamac, oo iyana shirkaa jaraa’id ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in qiimaha shidaalka eek or u kacay uu saamayn xoog leh ku yeelanayo gaadiidlayda iyo dadweynaha ay u adeegayaanba.
Waxaanay Intaa raaciyeen in hadii aan qiimuhu halka uu haatan gaadhay aanay wax iska bedelin in ay kelifayso in qiimihii lagu raacayey ay kordhin doonaan , kuna dari doonaan shan boqol oo shilin. Waxaanay Xukuumadda u soo jeediyeen in si deg deg ah wax looga qabto kor u kaca shidaalka , kaasi oo ay tilmaameen in qiimaha shidaalku maalinba maalinta ka danbaysa uu sii kordhayo.
Geesta kalena Bulshada ku dhaqan Caasimada Hargaysa ayaa ka Warwarsan Korodhka ay Iclaamiyeen Iskaashatada Basaska ee isaga kala dhex goosha Xaafadaha kala duwan ee Caasimadani ka kooban tahay ,Tusaale ahaan basaska taga Xaafadaha Saylada,Calaamadaha, Idaacada, Xero awr,Jig Jiga Yar,Biibsiga,iyo Degsiimooyin kale ayaa Qofku ku raacaa Kun iyo Shan Boqol oo Shilin,taas oo ka dhigaysa marka la eego dhawaqa Iskaashatada Basaska in Laba Kun oo Shilling ay qaadi doonaan,Halka Geesta kalena basaska yar yar ee Taga Xaafadaha Octobar,Cabdi Iidan , Sh.Muuse Ducaale laga qaado Kun Shiling isla markaana uu Qiimaha Cusubi ka dhigi doono Kun Iyo Shan Boqol.
Hargaysa SDN.