|

Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Raaskambooni oo Kismaayo ka soconaya

Kismaayo Dec 20 2012 (SDN)— Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni ayaa waxa uu ka soconayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/dhexe sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen.

In ta ogyahay 1-qof aya ku geeriyootay iska hor imaadkaasi tiro kalana dhawac ayaa ka soo gaaray sida qof ka agdhaw halka uu iska hor imaadku ka socdo uu u xaqiijiyay Qurbejoog.com.

Iska hor imaadka ayaa bilaawday kaddib markii ciidamada dowladda ay isku dayeen in ay qaadaan Isbaaro u taallay Maleeshiyaadka Raaskambooni dalcada Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha ku sugan Kismaayo oo aan la xiriirnay ayaysan noo suuroobin in aan ka helno wax macluumaad ah oo la xiriira Iska hor imaadka soconaya.

Qasaaraha ayaa lagayaabaa in uu intaasi kabato maxaayeelay dagaalka ayaa wali socda.

Wixii ku soo kordha Halkan Ka soco

Comments are closed