|

Iska hor imaad qasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose

Kismaayo Dec 14 2012 (SDN)— Iska hor imaad ayaa lagu soo warmayaa in uu xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.

Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo iska hor imaad aan ilaa iyo hada la ogeyn qasaaraha uu geystay ayaa ka dhacay Magaaladaasi waxaana uu dhaxeeyay Ciidamo gadooday iyo kuwa hoostaga maamulka kumeelgaarka ah ee halkaa ka taliya.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada gadooday ay taageersan yihiin Sh. Aw-libaax oo ka carooday maamulka ku meelgaarka ah ee loo sameeyay Magaaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.

Ilaa iyo hada macadam qasaaraha ka dhashay iska hor imaadkasi hase ahaatee dad goobjoogayaal ah ayaa ku waramaya in iska hor imaadku uu muddo socday.

Maamul u sameyn Kismaayo ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ka taagnaa Muran aad u farabadan waxaana wali aad u hoseysa galaangalka dowladd ee maamul u sameyna Kismaayo.

Wixii Warar ah ee ku soo kordha halka kala soco

SDN-Kismaayo

Comments are closed