|

Isimadda Puntland oo sagootiyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Diiriye Sawiro

Garowe 10.July 2015 (SDN/QJ)- Qaar ka mid ah isimadda ugu caansan Deegaanada Puntland ayaa caawa kulan sagootin ah magalada Garowe xarunta Puntland ugu sameeyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Diiriye oo ka mid ah Salaadiinta ugu caansan Somaliland.

Kulankan sagootinta ah waxaa joogay Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Imaan Cabdiwahaab Guray, Garaad Cabdihasriid, nabadoonadda Gobalka Nugaal, wasiiradda arrimaha gudaha, Amniga iyo masuuliyiin kale waxana lagu qabtay guriga uu degan yahay Maayarka magalada Garowe Axmed Siciid Geelle Garoon.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu satooginayo Suldaan Maxamed oo mudo ku dhow labo bilood ku sugnaa magalada Garowe, ka dib markii uu usoo dhammaaday muraadkii uu Puntland u yimi ayay Isimaddu sheegeen inay ku faraxsan yihiin inuu si nabadgalyo ah dib ugu laabto dhulkiisa.

Duqa Garowe Axmed Siciid Geelle ayaa sheegay inuu ku faraxan yahay inay caawa sagootiyaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa kale uu sheegay inuu usoo dhammaaday howlihii uu Garowe u yimi, sidoo kale kulankan waxaa ka hadlay Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshaha Suldaan Maxamed oo ka mid ah isimadda soo jireenka ah ee Somaliland.

Garaad Cabdirashiid, Imaan Cabdiwahaab Guray iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo hadalka la siiyay ayaa sheegay inay muhiim tahay ka shaqaynta maslaxada guud ee umadda Soomaaliyeed ayna illaahay uga baryayaan inuu quluubta dadka Soomaalida ah burcad isku marsiiyo, Suldaan Garaase ayaa sheegay inuu aqoon fiican u lee yahay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Ugu danbayntii Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Diiriye ayaa marka hore u mahad celiyay mamulka Gobalka, dowladda Puntland, Isimada Puntland iyo intii soo dhawaynta ugu samaysay Garowe iyo sagootinta, waxa kale uu Suldaanku ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay in ganacsiga shacabka si wanaagsan uga kala shaqeeyo gobaladda Somaliland iyo Puntland, ayna dadku isku mid yihiin waxa kala haystana muhiim tahay in la kala qaado.

DRRR TYSSS RTY YP FGG JL CB

Comments are closed