Isimada Gobolka Mudug Oo Taageeray Go’aankii Madaxweynaha Puntland ku Hakiyay Doorashooyinka
Gaalkacyo July 16,20139SDN)-Waxaa Maanta isugu yimid Hotel Yaasiin ee ku Yaal Magaalada Gaalkacyo Odayaal, isugu jira Isimo, Nabadoono, Cuqaal, waxayna war muriyeed kasoo saareen Qodobo sadex ag oo kala ahaa.
1.Waxyaalihii ugu Danbeeyay ee ka dhacay Deegaanada Puntland laga soo bilaabo 3/7/2013 ilaa 14/7/2013 waxay garawsadeen wax laga xumaadana ahaa Falalkii amni Xumada iyo Nabad galyo darada horseedi karay ee dhacayay Maalmihii ugu danbeeyay, waxaanu uga tacsiyaynaynaa dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay haday Tahay Ciidamada Puntland, iyo shacabkaba, waxaanu illaahay uga baryaynaa intii dhimatay Naxariistii Jano, into dhaawactayna in alle Bogsiiyo oo Caafiyo.
2.Waxaanu Bogaadinaynaa Taageeraynaana Go’aankii Wadaniyada ahaa, lahaana geesinimo ay kujirtay Caqli kutalin tilmaamihiisana watay ee ay ku go’aansatay Dawlada Puntland hakinta ama joojinta Dorashooyinkii Dawladaha Hoose ee Puntland kuwaas oo ka dhici lahaa 15/7/2013 oo began Maanta oo isniin ah.
3.Waxaanu kaloo Tacsi gaara udiraynaah Dhamaan ummada Muslimiinta gaar ahaan dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba dhacdadii naxdinta lahayd ee lugu dilay Walaalkayo Cabdidaahir Faarax Maxamed (Afbahale) Dad badanina u yiqiin Cabdi Faarax oo lugu dilay Magaalada Gaalkacyo 14/7/2013 habaynimadii Axadii Masjidka Tawba waxaana ilaahay uga baryaynaa Naxariistii Jano Dhamaana Dadka Soomaaliyeed in ilaahay samir iyo iimaan kasiiyo gaar ahaana eheladii & Qaraabadii.
1.Suldaan Cabdixakiin Jaamac Nuur.
2.Nabadoon Xabiib Xirsi Bare
3.Nabadoon Cabdirashiid Sugulle Xaabsay
4.Nabadoon Yaasin Max’ed Afgaab
5.Nabadoon Daahir ilkawayne
6.Nabadoon Maxmaud Gaab
7.Nabadoon ilbalac Yusuf Guure
8.Samadoon Siciid C/laahi Faarax
9.Samodoon Jaamac C/Nur Shirwac
10.Samadoon C/ Salaan Max’ed gabax
SDN-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com