Isgaadhsiin la’aanta ka jirta xeebta u dhaxaysta Bullaxaar iyo Lughaya waxay halis ku tahay ilaalinta xeebaha iyo nabadgelyada guud
Sida la ogyahay isgaadhsiinta telefoonku waxay qayb ka yihiin xidhiidhka bulshada, nabadgelyada iyo horumarka guud ee dalka oo dhan. shirkadda telefoonada ee Telesom ee hormoodka u ah isgaadhsiinta Somaliland oo dalka intiisa badan ka wada jirta, waxa jira deegaanno badan oo dhulka gubanka ah ee xeebta u dhaxaysta degmooyinka Bullaxaar iyo Lughaya oo dadweyne kumanaan ka badani ku dhaqanyihiin balse aanay ka jirin wax isgaadhsiin ahi halka ay meelaha qaar aad u adagtahay in markasta telefoon laga heli karo
Deegaannadani waxay dhacaan xeeb dhererkeedu yahay 60km oo ka bilaabanta faafka dooxa Bohol oo 9km galbeedka Bullaxaar ah illaa laga gaadhayo deegaanka Cabdi-geedi. Sidoo kale laga bilaabo deegaanka Salay illaa Ceel-lahelay oo dhan 70km ayaan lahayn wax isgaadhsiin ah.
Waxa ka mid ah deegaannada la yaqaanno ee aanay shirkadaha isgaadhsiintu adeeg ku lahayn ama wax telefoon ah laga helin Ceelsheekh, Salay, Qabille, Hadhwanaag, Jilbalay, Gumbur-ciid, Fuguxo iyo Biyo-cas. Waxa lala hadli karaa Fuguxo iyo Biyo-cas marmar gaar ahaan bilaha afraad iyo shanaad ee xagaaga oo kaliya. Waxay shirkadda Telesom ku leedahay taawarro buurta Gargaarka oo 30km bari ka xigta Bullaxaar, waxana u xiga taawar ka Lughaya oo daciif ah marka xeebta la raaco taasoo ka dhigan inaanay shirkaddu ku lahayn wax taawar ah masaafo dhan illaa 100km. Taawarka yaalla Gargaarka ayaa lagaga hadli karaa masaafo dhan illaa 39km oo dhigan haddii 9km bari loo galbeed loo dhaafo Bullaxaar aan la heli karin, sidoo kalena taawarka Lughaya ayaa haddii la gaadho Hadayda oo 9km galbeedka Lughaya aan la heli karin ama si daciif ah lagu helo marmar. Marka kor looga soo kaco xeebta ayay shirkaddu ku leedahay taawar buurta Ballaadh oo illaa 25km u jirta Cabdi-geedi dhinaca galbeed hawd.
Shirkadda SOMTEL ayaan gebi ahaanba ka jirin deegaannada gubanka ee kor ku xusani oo taawarka ugu dhawi ku yaallo Ceelgaal.
Dadweynaha qorrax joogga ah ee ku dhaqan inta u dhaxaysa Ceelsheekh illaa Hadayda oo lagu qiyaari karo dadweyne ku dhaw illaa 5,000 qof ayaan marna nasiib u helin inay soo gaadho isgaadhsiinta shirkadda Telesom iyo shirkadaha kaleba muddo dheer.
Isgaadhsiin la’aanta ka jirta gubankani kuma aha oo kaliya caqabad bulshada ku dhaqan balse sidoo kale waxay halis ku tahay nabadgelyada guud ee dalka maadaama oo xilli kasta xeebahaas la isticmaali karo, ciidamada badduna aanay markasta joogin dhulka halka aanay qaarkood lahayn qalab iyo gaadid ay ku hawlgalaan. Waxa arrintan soo raacda isgaadhsiinta gaadiidka oo dhulkaas ku yar ama sannadka intiisa badan godoon ah taasoo daruuri ka dhigaysa in laga helo isgaadhsiin caadi ah oo xilli kasta lala xidhiidhi karo.
Waxa hore uga dhacday xeebta la yhidhaaho Bulla-caddo ee galbeedka Lughaya in sannadkii 2010 ay si qarsoodi ah uga soo degeen kooxo argagixiso ahi oo mar dambe la ogaaday. Sidoo kale, waxay ii xaqiijiyeen dadweynaha ku dhaqan gubanku inay xilliyada qaar dhacdo in kootarabaanka ay khayraadka ugaadhu ku jirto laga dhoofiyo xeebta meelaha cidlaha ah
Sidaa darteed, waxan usoo jeedin lahaa shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ee ay ugu horreeyaan TELESOM iyo SOMTEL iyo Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta JSL in la gaadhsiiyo isgaadhsiinta telefoonada deegaannadan kor ku xusan ee gubanka iyo xeebta u dhaxaysa Bullaxaar iyo Lughaya
hassan ahmed yousuf