|

Isdiiwaan Gelinta Madaniga ah iyo Isdiiwaan Gelinta Codeeyaha

Hordhac

Marka hore waxaan si kal iyo laab ah u bogaadinayaa dhamaan shacbi-weynaha Reer Somaliland meel ay joogaanba, waxaanan ku hambelyeynayaa wanaaga iyo wax wada lahaanshaha ay ku dhisteen Qaranimadda 23 jirsatey. Insha Allahu wixii idinka qaldan ama idinka dhiman waxaad ku saxan doontaan isla nidaamkan quruxda badan ee aad sameysateen oo ah ka kaliya ee guul iyo horumar idiin horseedi kara. Intaa ka dib, waxaan maanta qalinka kor ugu qaadey in aan wax ka iftiimiyo xaaladdaha farsamo iyo siyaasadeed ee dhinaca doorashooyinka Somaliland, oo muddooyinkii dambe aad moodo in waxoogaa cakirnaansho ah ku yimid gaar ahaan aragtiyaha kala duwan ee habka iyo nidaamka doorashooyinka.

 

Waxay bulshadda Reer Somaliland markhaati ka ahaayeen niyadsami iyo is af-garasho dhinacyadda Dawladda iyo Axsaabta Mucaaridka ah dhex martey oo ku tuseysa in ay ku qanceen dhamaantood habka iyo nidaamka geedi-socodka doorashooyinka. Nasiib daro waxa soo baxay warar is khilaafsan oo saxaafadda ay maalmo ka dib isku marinayeen labada dhinac oo mid walba gartiisa sida uu doono shacabka ugu akhriyayo. Yaa qaldan, yaase ku taagan sax, wali ma jirto cid madaxbanaan oo ka garnaqdey waxa ay labada dhinac isku af-garan laayihiin. Haddaba waxaan isku dayi doonaa in aan inta aqoontayda ah wax ka iftiimiyo waxa ay isku hayaan nimankan doorashada rabo ee tartanka ku jira ee haddana aan ka xishooneyn cidii ay martida uga ahaayeen in ay ku taageerto hadafkooda siyaasiga ah waa shacab weynaha Reer Somaliland e.

Isdiiwaan Gelinta Madaniga

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, waxa uu u iclaamiyey  Isdiiwaan Gelinta Madaniga ah ee Jinsidda Muwaadinka, oo uu ugu baaqay shacbiga Somaliland. Taa waxaa ka hor yimi Axsaabta mucaaridka ah oo si wadajir ah u qaadacay uguna baaqay shacbiga Somaliland in ay ka feejignaadaan. Haddaba, waa maxay Isdiiwaan Gelinta Madaniga ahi; Isdiiwaan Gelintani waa mid Dawladdaha adduunka ka jiraa ay ku sugaan Muwaadiniintooda, si loo xaqiijiyo xaqa Muwaadinka uu ku leeyahay dalkiisa isla markaana waajibka saarana uu ugu guto. Ma jiro dal madaxbanaani sheeganaya oo aaney u diiwaan-gashaneyn Muwaadiniintuusu, si ay dawladduhu u sugaan xaqa Muwaadinka, isla markaana u xaqiijiyaan nabad-gelyada wadanka iyo jiritaanka qaranimo dhameystiran. Dal aan muwaadin lahayni waa dal aan jirin, Somaliland xuduudaha dhulkeedu way cad yihiin, waxaaney leedahay calan, dastuur, lacag, ciidan, golayaal qaran iyo dhamaan hay’addaha dawliga ah ee uu dal leeyahay oo dhameystiran. Nasiib daro se ma laha Muwaadin sugan oo u Diiwaan-Gashan Qaranka. Arintani waxay ceeb ku tahay dawladnimadeena iyo jiritaankeenaba waxaaney ka dhigeysaa Somaliland sidii guri si qurux badan u dhisan oo aan albaab lahayn si uu gaashaan ugu noqda mulkiilaha. Haddii kale mulkiiluhu cidna kama sheegan karo gurigaa bilaa irida ah ee u furan cid walba.

Mihiimada kowaad ee Diiwaan Gelintu waa in Muwaadinku yeesho Waraaqo sharci oo dhalasha ahaan cadeynaya Jinsiyadiisa, si uu xaqiisa aasaasiga ah uga helo dalkiisa, sida waxbarashadda, shaqada, caafimaadka isla markaana uu xoriyadiisa dhaqdhaqaaqa iyo hadalka ay u noqdaan kuwo sugan. Mihiimada labaad waa in ay dawladdu hayso xogta Muwaadiniinteeda si ay ugu dajiso siyaasadda dhaqaale, waxbrasho, shaqo abuuris, caafimaad iyo sugista amniga. Waxa sugmaya cadadka dhalashada si ku talo galka dawladdu u noqdo mid siyaasad balaadhan oo macno badan ku fadhida u hirgaliso, waxaynu la soconaa tan iyo intii ay Somaliland jirtey tirada dadkeedu waxa lagu qiyaasayey 3.5 million.

 

Xiligaa dalka itoobiya waxa uu ahaa 50 million maantana waxa u ugu qoron bogga tirakoobka adduunka 93 million, waxa u kordhay 23 sano ee aynu jirno 43 million inagana waxaynu taaganahay 3.5 million, arrintani waxay ceeb ku tahay dalka iyo dalka iyo dhamaan dawladihii xukunka soo maray. Cadadka dhimashada oo dawladdu ay ku ogaaneyso Muwaadiniinteeda inta ka baxda sanadkii iyo waxyaabaha sababta dhimashada keena sida xanuunadda, shilalka amabase dilalka dhinac amniga ah taas oo yadana siyaasad cad dawladdu ka yeelaneyso si loo yareeyo xaaladahan. Hadda waxaynu ognahay in celcelis da’da lagu dhintaa ay tahay dalkeena 47 sanno (life expectancy rate).

 

Waxa kale oo lagu ogaanayaa tirada guurka iyo furniinka oo bulsho dhismaheeda iyo horumarkeeda meel weyn kaga jira. Tusaale ahaan sanadkii inta is guursata ama is furta si loo sugo khilaafka qoysaska kala tagaya iyo mushkiladahooda. Waxa kale oo lagu ogaanayaa tirakoobka guud ee dalka inta ku nool inta Muwaadinka ah iyo inta aan ahayn(qaxoontiga si barnaamij looga yeesho siyaasi ah) si loo odoroso isla markaana Axsaabta siyaasiga ahi ugu darsadaan Barnaamij Siyaasadeedkooda, dadkuna ugu la xisaabtamaan wax qabadkooda. Muwaadin ogow in aaney sinaba u dhici Karin haddii aanad sugnaanshiyo sharci ku lahayn dalkaaga in horumar bulsho aan marnaba laga sameyn Karin siyaasadda dalka Xisbigii doonaa ha yimaado. Xaqa aad dalka ku leedahay waa in aad barato oo aad kula xisaabtanto siyaasiga shaqada kaa rabo ee aad cashuurta mushaharka ka siisid. Ogow haddii aanad u diiwaan-gasheneyn Muwaadin ahaan lagama yaabo in cilmi-baadhis kasta oo la sameeyo lagu helayo daraasaad sugan oo sax ah oo ku saabsan hadba mawduuca baadhista laga sameynayo. Waxa markhaati inoogu filan sugnaanshaha Muwaadinka dalalka aynu jaarka nahay oo aanad geli Karin ilaa uu cad yahay ujeedada safarkaagu, waxaaney kaa rabaan dal ku gal. Somaliland maanta kama sheegan karto cidna dalkeeda, haddiise diiwaan gelinta Madaniga ah la sameeyo waxa suuro galaya in xuduudaha la kantarooli karo Muwaadinka iyo Ajaanibkuna si sharci ah u kala cad yihiin. Haddase beel hablaayo iyo qoys hablaayo ayaa Muwaadin ah waxay ceeb ku tahay jiritaankeena dadnimo, dalnimo iyo kan dawladnimo intaba.

Isdiiwaan Gelinta Cod-Bixiyaha

Dalalka Dimuqraadiga ah sida Somaliland ee ay doorashadda ku yimaadaan Madaxda qaranku marka horeba loogama baahna Isdiiwaan Gelinta Cod-Bixiyaha. Sababta oo ah, waxa kala horeeya labadda diiwaan-gelinood ee Muwaadinka iyo Codbixiyaha. Haddii aan yara iftiimiyo masaladan marka hore yaa dal ka codeeya? Jawaabtu waa Muwaadin deganaansho leh iyo kaadh aqoonsi, haddaba marka cod-bixintu dhacayso waxa marka horeba xaqa codaynta leh Muwaadinka. Waxay arrintani daah rogeysaa in doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacayey dhamaantood lagu codeeyey nidaam jaantaa rogan ah oo aan la aqoon cid Muwaadin ah iyo cidka toona. Marka la sugo Muwaadinka ayaa cida dooneysa in ay codkeeda bixiso loo diiwaan gelinayaa si loo siiyo kaadhka cod-bixinta doorashadda ee uu door bidayo Muwaadinku. Waana halkan meesha aynu kaga raseyneyno diiwaan-gelin doorasho oo joogta ah marba haddii diiwaan-gelinta muwaadinku la xaqiijiyo. Sababtoo ah Isdiiwaan Gelinta Cod-bixintu ma aha waajib saaran Muwaadinka, lakin taa cakiskeeda Isdiiwaan Gelinta Madaniga ahi waa mid ku waajibtey Muwaadinka.

Aragtida Dawladda iyo Xisbiga Kulmiye

Dawladda Somaliland iyo Xisbigeeda Kulmiye waxay siyaasiyan u tusayaan shacabka Reer Somaliland, sida ka muuqata ama laga dhadhansan karo hadalkii Wasiirka Arrimaha Guddaha in ay fulinayaan mid ka mid ah waajibaadka saaran Dawladda iyo Muwaadiniinteeda. Taas oo ah in diiwaan-gelin madani ah dawladdu ay sameyso si loo xaqiijiyo astaan ka mid ah astaamaha dal iyo dawladnimo ay leeyihiin. Dawladda Somaliland waxay ku dacwiyeysaa in Isdiiwaan-gelintani mihim u tahay dalka iyo dadka, isla markaana aaney marnaba habooneyn in geedi-socodkeeda wax loo dhimo. Waxay sidoo kale ku baaqdey in aaney marnaba dib u dhigayn arinta doorashadda oo Axsaabta mucaaridka ahi welwel badan ka qabaan. Dawladduna ay leedahay waxaan ku dhameynayaa 3 bilood gudahood, waxaaney si dhib yar u dareensiineysaa shacabka in ay Axsaabta mucaaridka ahi ka soo hor jeedaan Isdiiwaan-gelinta Madaniga ah oo siyaasiyan mihim u ah Somaliland.

Aragtida Axsaabta Mucaaridka ah

Axsaabta mucaaridka ahi ma diidana marnaba in la sameeyo diiwaan-gelin madani ah, wallow sida ay u dhigayaan aad moodo in dawladdu siyaasiyan ka mudakarsan tahay. Waxaase ay aad uga welwel qabaan oo aan suuro-gal marnaba ugu muuqan in diiwaan-gelinta Madaniga ah lagu dhameyn karo muddada ay dawladdu sheegtay. Sidaa darteed, ay dawladdu muddo korodhsiimo ku dooneyso si ay doorashaddu xiligeedii dib ugu dhacdo, taas oo marmarka qaar yagana aad moodo in ay ku baqo geliyaan Dawladda wax ka baxsan dastuurka Somaliland oo ah dawlad wadaag ama mid ku sinta inta doorasho laga qabanayo (Coalition Governemnt or Caretaker Government).

Aragtida Waaqaca Dhabta ah

Diiwaan-gelinta Madaniga ahi waxay mihim u tahay dalka iyo dadka waana astaan ka mid ah tiirarka qaranimo. Nabad-gelyada iyo dimuqraadiyadda Somaliland waa hantida kaliya ee Somaliland ay rabto in ay ku xaqiijiso jiritaanka qaranimadeedda, waana waxa ay mudadda badan ku naaloonayeen dadka, dalka iyo Dawladda Somaliland. Labada diiwaan-gelinood waxay lagama maarmaan u yihiin nabad-gelyadeena, wadajirkeena iyo dawladnimadeena intaba. Nasiib daro se, waxa arrintan ku kala aragti duwan Dawladda iyo Axsaabta mucaaridka ah oo dabcan kala wata taageerayaashooda. Haddii dhinacyo badan arrinkan aan ka eegno, waxa inoo soo baxaya duruufo kala gedisan oo ay adag tahay in aynu is qaabilsiino labada diiwaan-gelinood oo ay aragti kala duwan ka qabaan labada dhinac.

 

Tusaale ahaan, dawladdu waxay ku baaqeysaa in ay ku suuro-gelinayso Diiwaan-gelinta Madaniga ah muddo kooban, lakin arrintani uma muuqato mid suuro gal ah marka dhinac kala laga istaago. Haddii la diiwaan-gelinayo shacabka Somaliland si loo sugo jinsiyadooda muwaadinimo waxa la diiwaan-gelinayaa waa ilmaha dhashey iyo qofka waayeelka ah iyo inta u dhaxaysaba. Qof doonaya in uu codeeyo iyo mid aan rabin in uu codeeeyaba waa mihim in la diiwaan-geliyo. Markaa caqliyan suuro-gal ma aha in inta uu Wasiirku sheegayo lagu dhameystiro diiwaan-gelinta Madaniga ah. Waxase macquul noqoneysa in la yidhaa diiwaan-gelinta Madaniga ahi ha socoto tan cod-bixintuna ha socoto oo yaan lagu xidhin cid aan diiwaan-gashaneyn in aaney codeyn Karin. Isla markaana lagu heshiiyo qaabka iyo nidaamka loo fulinayo arrintan yadoo aan waxba loogu dhimayn muddada doorashadda loo cayimey ee uu ku eeg yahay xili-xileedka Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisu.

 

Waxa kale oo aynu ognahay in dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay ee ay ku soo baxeen Axsaabta maanta joogtaa ay ahaayeen kuwo aan diiwaan-gelin madani ah marnaba lagu suntin. Arrinta kale ee Dawladda aad moodo in looga gar helayo ayaa waxa ay tahay in sanadkii ugu dambeeyey ee muddo xileedkeeda ay diiwaan-gelin muwaadin oo daba-furan ah ay ku baaqeyso. Diiwaan-gelinta muwaadinku ma aha mid joogsi leh iyo xili ay ku dhamaato, waa wax waligeedba loogu talo galey in ay socoto waayo dad baa intaa dhalanaya qaar baa dhimanaya. Halka ay tan doorashaddu ka tahay mid shanti sano cidii rabta in ay cod-bixiso ay isku diiwaan-geliso doorashadda. Sidoo kale Axsaabta mucaaridka ah waxa looga gar leeyahay waa in ay joojiyaan handadaada ay shacabkooda ku handadayaan wax ka baxsan dastuurka Somaliland ee aynu ku heshiiney. Dawladduna waa in ay ogaataa arrinta muddo kordhintu in ay halis ku tahay qaranimadeena waxaaney sidoo kale xagal daac ku tahay nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadaney.

 

Sidoo kale waxay arrintani ku noqoneysaa faashil siyaasadeed oo taariikh xumo u horseeda Madaxweyne Axmed Silaanyo oo ruug cadaa siyaasi ah iyo Xukuumadiisa. Guntii iyo gunaanadkii waxaan u soo jeedinayaa Dawladda iyo Axsaabta mucaaridka ah in ay ka feejignaadaan wax wal oo dhib iyo sumcad daro dalka u keenaya isla markaana ay ixtiraamaan shacab weynaha Reer Somaliland ee ay goor iyo ayaan saxaafadda u marinayaan weedhaha dhiilada iyo colaada xambaarsan ee ay isku durayaan. Waxa mihim ah in la ilaaliyo sharciga iyo kolba waxa lagu heshiiyo, shacabka Somaliland waxaan leeyahay ka feejignaada siyaasadaha faashilka ah ee dhinacyada masaalaxa dantooda ah isku hayaa ay idiinku baaqayaan, noqdana kuwo dalkooda ilaashada oo aan dhag jalaq u siin cid wal oo dan gaar ah wadata.  Wabilaahi Tawfiiq.

 

Allaa Mahad LehMohamed Hagi Mohamoud a Political Scientist and a Social Researcher, and an author of Academic Articles in East Africa. Department of Political Science. The University of Warwick. Email: mohamedomar1@hotmail.com or M.Hagi-Mohamoud@warwick.ac.uk.

Comments are closed