“Isbedelku Maaha In Madaxweyne, Madaxweyne Bedelo, Ee Waa In Nidaamka La Saxaa. Rayaale Ayaanu Bedelnay Oo Sillaanyo Keenay Oo Way Ka Sii Dartay” Xasan Guure
Hargaysa 29.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa sheegay inay dalka ka jiro Maamul xumo, Sharci daro iyo Cadaalada daro baahsan, isagoo si adag uga hadlay xaaladda uu wadanku marayo, tabashii odayaasha reer Awdal ee ay weli madaxweynaha ka sugayaan, dhallinyarada xidhan ee jiidali iyo arrimo kale.
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay in Hay’addaha dalka ugu sareeya ee kala ah Garsoorka,sharci dejinta iyo fulintu ay isku milmeen. Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Beelaha Somaliland wada dega ay wada leeyihiin dalka.
Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa sidoo kale ka hadlay Dhalinyarada ay Xukuumaddu ku xidh-xidhay Gobolada qaar, waxaanu ugu baaqay in bilaa shuruud lagu soo daayo, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Xaalada Dalku aad iyo aad ayey u adag tahay marka aad eegto dhawr meelood, waxaad mooda Dastuurka qabyo ku jirtaa iyo Dhaqano aynu ka soo dhaxalnay Maamuladii kala dambeeyey ee Somaliya, gaar ahaan dhaxalkii aynu ka soo qaadanay Maxamed Siyaad Barrihii ugu dambeeyey, oo ahaa keligii taliye, iyo dawladda oo keligeed waxa ay doonto yeesha, ayaad mooda inay dib inoogu soo noqotay, oo ay aad inoogu soo baxday, awoodihii iyo saddexdii dhadhaar ee uu dalka ku dhisnaa, Xeer dejinta, Fulinta iyo Garsoorka in Saddexdiiba isku mid noqdeen oo ay isku milmeen, oo awoodihii oo dhami ay galeen Gacanta Fulinta, waana mushaakil in Hay’addihii is ilaalinayey ee is dheeli tirayey inay Gacantii Fulinta ku urureen, waxayna taasi keenaysa in wixii la wada lahaa ay meesha ka baxaan, oo cid keliya Gacanta u gasho, waxa ay ahayd in hanti dhawrka lala shaqeeyo, waxayna Maanta ognahay halka uu Musuq-maasuqu marayo, Hantidii Umadda sida loo xaraashayo, oo hadda la iskulama yaabo Hantida Umadda ee la cunayo, oo ayaan daro weyn ah”.
Mujaahid Xasan Guure Jaamac mar uu ka hadlaayey Dhalinyarada ay Xukuumaddu ku xidh-xidhay Gobolada qaar ayaa yidhi “Waxa oo imika soo baxday in qofka marka la doono la xidho karo, oo haddii loo baahdo Toban toban qof la xidhi karo, oo waxaynu ognahay in Dhalinyaro xidhantahay, sida Dhalinyaada Gar-adag ku xidhan, Dhalinyarada lagu xidhay Xaflada (Dhallinyarada Jiidali), Dhalinyaradii Burco lagu xidhay, waxa kale oo jira Dhalinyaro lagu xidhay Idaacada, oo markii uu Xisbiga Kulmiye Mucaaradka ahaa waxa ay lahaayeen Idaacada Horyaal, markaas Idacadaasi markii hore xalaal ayey ahayd, oo Idaacadan ayaa Xaaran noqotay, waxa aan soo jeedinaya oo aan leeyahay waa in Shuruud la’aan lagu sii daaya Dhammaan Dhalinyaradaas xidhan”,
Xasan Guure Jaamac isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aynu ognahay Saxaafaddi sida la doono loo xidhayo, inta Meherad Saxaafaddu lahayd ee la xidhay, sida Haatuf iyo Hubaal, waxa aad mooda in meesha ay ka baxday wixii la wada lahaa, markaas haddii la ilaalin waayo xuquuqda qofka, oo wixii ay Umaddu lahayd koox gaar ahi yeelato, oo awoodii, Hantidii iyo taladii dalkana cid gaar ahi yeelato, waa dhibato, waxayna taasi waxa yeelaysa kalsoonidii iyo xidhiidhka u dhexeeya bulshada, waxa ay kaloo wax yeesha midnimada dadka u dhexeeysa”.
Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Gure Jaamac mar uu ka hadlaayey Gobolada Barri iyo Galbeed ee dalka iyo doorka ay ku leeyihiin Siyaasada dalka ayaa yidhi “Waxa aynu ognahay Gobolada Barri inay yihiin goob dagaal, ilaa hadda xal Siyaasadeed looma hayo, cidina cid ma qasbi karto, ee waxa ay u baahan tahay xal siyaaseed in lagu xaliyo. Waxaynu ognahay Gobolada Galbeedka oo ay iyana jiraan tabashooyin badani, dhawr goorna Odayaal, Salaadiin iyo Madax dhaqameed ay yimadeen, Hargeysa ayey yimadeen, Madaxweynaha ayey is arkeen, cabashadoodina wey gudbiyeen, Madaxweynuhuna Guddi ayuu u saaray, ilaa haddana Guddidii waxa alaale wax ay qabatay ma jirto, markaas wixii la wada lahaa iyo cidii Somaliland wada dhisatay waxa ay u muuqata in cid gaar ahi gacanta wax ku hayso, waxa aynu arkaynaa qabyaaladu halka ay marayso, iyo qabyaalada Telefishanada ka baxaya, waxaas oo dhana waxa keenay Maamul xumada, Sharci darada iyo Cadaalada darada Maanta jirta”.
Mujaahid Xasan Guure Jaamac isaga oo hadlaya sidii uu caalamku hore ugu arki jiray Somaliland iyo sida uu maanta u arko wuxuu yidhi “Caalamka iyo Wadamada Dibadu markii hore waxa ay inoo arki jireen dal dimuqraadiya, taladda wada leh, xuquuqdiisa ilaaliya, Saxaafaddiisa ilaaliya, dadku waxa ay xaq u leeyihiin inay yeeshaan Ururo Bulsho, Ururo Shaqo iyo Ururo Dhalinyaro, waxa ay xaq u leeyihiin inay Shirar qabsadaan, balse haddii cabudhini timaado, oo la yidhaahdo Shirar ma qabsan kartaan, oo Saxaafadda la cabudhiyo, waxa ay noqoysa in sidii Maxamed Siyaad Barre, la yidhaahdo afar qof isma raaci karaan, meelna ma wada iman karaan, ayaad mooda in sidaas lagu dhaqmayo, taasina waxa ay keenta burbur, waxaad mooda in Maamulkeenu uu dhashay bari dhawayd oo aanu ogeyn wixii dalka ka dhacay,walaahi werwer badan ayaa jira, oo waxa aynu kari kari lanahay in Doorashada lagu qabto wakhtigii loo cayimay, waxaynu ognahay in Guurtidu Dastuurku siinayo lix sanno imikana labaatan Sanno ayey fadhidaa, iyada oo aan sharci ahayn ayey haddana sharci sameeysa, waxayna ognahay in Golaha Wakiilada uu wakhtigii ka dhacay, waxa aynu ognahay in Madaxtooyada iyo Madaxweynaha uu wakhtigu ka dhacayo, ilaa haddana waxa diyaar ah oo Doorashada lagu galaa ma jiro, waxaas oo dhamina waxa ay keenayaan in dadku niyad jabaan, dalkuna kala furmo, dhibaatooyina dhacaan, waa markii ugu horeeysay ee xuquuq insaanka Somaliland lagu soo hadal qaado Golaha Amaanka, waxay markaas Somaliland u baahan tahay isbedel, isbedelkuna maaha in Madaxweyne Madaxweyne bedelo, ee waa nidaamka la saxaa, tusaale ahaan Daahir Rayaale ayaanu bedelnay oo Sillaanyo ayaanu keenay way ka sii dartay”.
Mujaahid Xasan Guure Jaamac isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa aynu u baahan ahay inay Somaliland dib iskugu soo noqoto, oo ay is weydiiso labaatankii Sanno maxaa inaga xumaaday, maxa inoo hagaagay, halkaynu maraynaa, oo dadku isku soo noqdo, laakiin haddii qoloba qolo dareento, oo tuhuno jiro, oo aan laga wada hadal dhibaatooyinka yaala, waxa ay noqoysa inay dhacaan wixii ku dhacay Dawladii weynayd ee Ciidamada badan lahayd ee Siyaad Barre, Qabiil ayeynu wax ku dhisnay, waxa isku yimid Barri, Galbeed iyo dhexda, waxa isku yimid Isaaq, Samaroon, Ciise iyo Harti, oo haddii aynu inteenii kala shakinay, in halkeedi aynu ku soo celino, oo wixii inaga qabyo ah dhameeyno miyaanay ahayn, waxaana qabnaa haddii aanu nahay Madasha inay Umaddu isku timaado, oo wixii jira ee dhiba la dhameeyo”.
Xigasho Wargayska Geeska Afrika