|

Isbedel Doonka Somaliland oo la wareegay abaabulka dibedbaxyada Somaliland

Hargeysa August 19,2022 (QJ) – Sida aanu ku helay warar looqaateen ah waxa abaabulkii isu soobaxyada doorasho doonka ah ee Somaliland la wareegay kooxaha isbedel doonka dalka ee gobolada dalka.

Shacabka isbedeldoonak weerka xiran ayaa saluugay cagajiitanka axsaabta siyaasada dalka oo u muuqda qaar hab dabacsan u wejahaya ka miro dhalinta hanaanka dalka la doonayo in looga qabto isu soo baxyada culeyska lagu saarayo xukuumada Muuse Biixi.

Shacabka isbedel doonka ah ayaa fursad u helay sii wadida isu soobaxyada bacdamaa ay axsaabtu ku dhawaaqday in dibedbaxyadu sii soconayaan.

Abaabulka shacabka isbedel doonka ayaa ka abaabulan iskuna xiran dhamaan degaanada dalka.

Sida ilahan xogogaalka ahi noo xaqiijiyeen, shacabka weerka xiran ayaa qorsheynaya in ay dhawaan si kedis ah dalka isku mar uga qabtaan isu soobaxyo aan kala joogsi laheyn.

Abaabulka dhaqaale ee isbedel doonka ka madaxa banaan axsaabta siyaasada ayaa ah mid siweyn ay uga qeybqaateen dhamaan qeybaha bulshada ee guddo iyo dibedba.

Xukuumada Muuse Biixi ayaan ilaa hatan ka soo kabsan la’a sumadcad xumadii ka raacday xasuuqii ay dadka shacabka ee u geysteen mudaharaadyadii dalka ka dhacay bishan 11keedii.

Waxaana suurtogal ah in ay dhawaan aqbalaan doorashooyinka ama ay ku adkeystaan ka calaf qaadka mowjedaha kaga soo wejahan shacabka weerka xiran ee isbedelku ka go’anyahay.

Comments are closed