Isbeddel kedis ah oo mar labaad Lagu sameeyey Isu socodka Waddooyinka Hargeysa oo Maanta Dhaqangelaya DAAWO
Hargaysa 09.July 2015 (SDN/QJ)- Mayor kuxigeenka magaalada Hargeysa C/casiis Cagaweyne iyo Taliyaha Ciidanka nabadgelyada Waddooyinka ayaa waxay shaaciyeen in isbeddel lagu sameeyey qaar ka mid ah waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada Hargeysa
Waxana sida mas’uuliyiintaasi sheegeen gebi ahaan isbeddel lagu sameeyey Waddada Wadnaha magaalada Hargeysa ee hor marta Aqalka Madaxtooyada taasoo kolkii hore gaadiidku u mari jireen dhinaca galbeedka balse isbeddelkan lagu sheegay in gaadiidku u mari doonaan dhinaca bari.
Sidoo kale taas beddelkeeda mas’uuliyiintani waxay sheegeen in waddada hor marta cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo iyadana gaadiidku u mari jireen dhinaca bariga loo adeegsan doono dhinaca galbeed.
Waxana sida mas’uuliyiintaasi sheegeen dhaqangalka amarkani ka bilaabmi doono Maanta oo Khamiisa .
Si kastaba ha ahaatee amarkan xanbaarsan isbeddelkan degdegga ah ee aan hore loo sii shaacin iyo ogaansho la’aanta inteeda badan ee bulshada gaadiidka adeegsanaysa ayaa sababi kara shilal iyo khasaare ay gaadiidku la kulmi karaan.