|

Isbarbardhiga Maalmihii soo Maray Dr Saleebaan Xaglo-toosiye iyo Axmed Muumin Seed ee Tartanka Murashaxnimada Madaxweyne Xigeen & Farqiga Kala Duwanaanshaha Duruufo Siyaasadeed oo Mataaneeyay DAAWO

Hargaysa 24.October 2016 (SDN/QJ):- Siyaasiyiinta Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye oo haatan ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland Iyo Axmed Muumin Seed Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani ayaa Rafiiq ku noqonaya Laba dhacdo oo Kala soo Kala Gudboonaatay Shirka Golaha Dhexe ee Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani iyagoo labadooduba u Tartamayay Jagada Madaxweyne ku Xigeenka ee labadaas Xisbi.
seed-iyo-xagloWaxaa Jira Xoogaa kala Duwanaan Labadaasi dhacdo Kuwaas oo kala ah in Saleebaan Ciise Xaglo toosiye ay u Muuqatay in Codad uu lahaa ay mareen dhanka Murashixii ay wada tartamayeen Mudane Saylici, Sidoo Kalena aan Hiil ka Helin Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Gudoomiye Muuse Biixi oo Labadooduba u Codeeyay C.raxmaan Saylici,Isla markaana ay dhacday in Laba Jeer Madaxweyne Ku Xigeenka dib loogu celiyey Qaabkii Codbixinta oo uu Saluugay in ergo uu isku halaynayay ay dhanka Kale Mareen Balse uu Gunaanadkii Goostay inuu aqbalo Natiijo aad u qadhaadh isagoo Fariin adag Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland hortiisa ka Sheegay,Halka Gudoomiye Axmed Muumin Seed ay Waajib ku ahayd in hadiiba ay Jiraan Ergo isaga u Codayn lahayd oo bannaanka Joogtay Sida uu Yidhi aanu soo Gelin Hoolkii Shirku ka Socday Laakiin Wuu ka hadlay Weliba wuu Codeeyay Hasa yeeshee waxay dadka Siyaasada lafo rogaa aaminsan yihiin in Gudoomiye Seed iyo Xubnaha Taageersani ay Shirka gelin karayeen Xaalad deganaansho la’aan ah ilaa Magaciisa la soo qadimo,Balse Taas kumuu dhiiran dibada ayaanu uga baxay Iyadoo Gudoomiye Cirro uu Codkiisii Siiyay Murashax Axmed Muumin Seed.

Comments are closed