|

Isbarbar Dhiga Laba Warbixinood oo Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiiladu ka Faafiyeen Wasaaradda Warfaafinta DAAWO

Hargaysa  29.Nov 2015 (SDN/QJ):- Warbixintii ay Arbacadii toddobaadkii hore ay shaaciyeen Guddida ilaalinta hantida qaranka ee wakiiladda oo ku dhaliishay wasaaradda Warfaafinta inay tahay wasaaradda ugu hooseysa ee aan kharashaadka Miisaaniyadda aan u daadejin gobollada Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isla maalintiiba naqdiyay warbixintaasi oo uu ku macneeyay mid siyaasadeed oo u eg in mucaaridku uu qiimeyntaas soo saaray.

Suxufiyiinta TV-ga qaranka ayaa diyaariyay barnaamij la isku bar-bar dhigayo warbixintii ay soo saareen guddida ilaalinta hantida qaranka ee Wakiiladda iyo kulamo hore u dhex maray Guddidaas iyo masuuliyiinta warfaafinta, oo Guddidu ku ammaantay wasaaradda warfaafinta siday ula shaqeysay xubnaha Guddida oo wasaaradda soo booqday.

Daawo Is-bar-bar dhiga warbixinta Guddida oo laba jeer kala hadlay


Muuqaalkan labaad Wuxuu ka Turjumayaa Kormeerkii ay Gudida Daba Galka Iyo Ilaalinta Hantida qaranku ku soo mareen Gobolada dalka kaas oo ay ka dhalatay Warbixinta ay soo saareen iyo dariiqa ay u Mareenba.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed