Isbar-bar Dhiga Tacabka Laba Aqoon-yahan Oo Ka Soo kala Jeeda Labada Daraf Ee Somaliland Faallo: Cumar M.Faarax
Hargaysa 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ah laba aqoon-yahan oo isku gedo ah, kana soo kala jeeda Beelaha labadda daraf ee galbeedka iyo barriga Somaliland ayaa ah qaar farqi weyni u dhaxeeyo siday uga faa’iideeyeen aqoontoodii isla markaana ay bulshadooda wax ugu qabteen.
Labadan aqoon-yahan oo labaduba caan ka ah mandaqadda ayaa ah kuwo nafciga aqoontooda laga dhaxlay tahay sirta dhalisay horumarka iyo dib u dhaca labadooda bulsho ku kala sugan yihiin.
Waxaanay labadan aqoon-yahan-ba tusaale nool u noqon karaan hal-beeg taariikhi ah oo looga qiyaas qaato kaalinta aqoon-yahanka damiirka ka shaqeysiiyaa uu ummadiisa gaadh siin karo iyo booraanta dheer ee aqoon-yahanka saaqida bulshadiisa ugu horseedi karo Gurri Cas. Haddaba aan si kooban u eegno Isbar-bar dhig kooban oo aynu ku eegayno midba baalka uu kaga jiro taariikhda Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo Prof. Saleebaan Axmed Guulleed.
Prof. Saleebaan Axmed Guulleed
Prof. Saleebaan Axmed Guulleed oo ah aqoon yahan weyn waxa uu ka soo jeedaa gobolka Awdal, waxa uu ahaa muhindiskii dalkan keenay fikiradii ugu horaysay ee wadanka lagu gaadhsiiyay aqoonta sare ee heer jaamacadeed, waxaannu isagoo gacan ka helayay xukuumaddii Somaliland ee xiligaasi jirtay uu magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal ka furay Jaamacadda Camuud ku sinaan sanadkii 1998-kii. Waxaanu sidaasi ku aasaasay jaamacadii ugu horaysay ee Somaliland yeelato oo dhidibada loo taagay 7-da sanadood uun ka dib markii Somaliland ay dib ugala soo noqotay madax-banaanideedii dalkii Soomaaliya sanadkii 1991-kii. Waxa uu beerka u dhigay oo uu ka dabaashay duruufo adkaa oo lagu taabo-gelinayay jaamacadda oo in badan oo ka mid ah ray’ul caamka bulshaddu u arkayeen inuu ahaa fikrad aan xiligaas ka tisqaadi Karin Somaliland oo markaas uun cagta saartay marxaladii dib u soo kabashadda iyo dib u dhiskii wadanka oo ka soo doogayay riiqdii burburkii baahsanaa ee Taliskii Siyaad Barre inoo geystay iyo dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay dabo-yaaqadii 1994-kii.
Prof. Saleebaan Axmed Guulleed, waxa uu soo saaray lix iyo tobankaas sanadood ee uu waday dedaalka naf-hurka ah ee Jaamacadda da’yar iyo aqoon-yahanno tiradoodu ku dhow dahay taban kun oo qof oo rag iyo dumarba leh oo intooda badani ka soo jeedaan gobolka Awdal , hase yeeshee ay ku jiraan tiro kooban oo arday ah oo ka socotay goboladda Somaliland oo dhan oo uu ku jiro Gobolka Sool ee Prof, Cali Khaliif Galaydh u dhashay.
Waxa jaamacadda uu bud-dhigay Prof. Saleebaan Axmed Guulleed, waxa ka aflaxay 13- dufcadood oo tii u dambaysay ay shalay ka qalin-jabiyeen 621 arday oo ay ku jiraan koox arday dhegooleyaal ah oo markii u horaysay ka qalin-jabiyay jaamacadda Cammuud ka dib markii ay wax ka barteen 12-ka kulliyadood ee jaamacadaasi bixiso.
Aqoonyahanada ka soo baxaya Jaamacadda Cammuud waxay sii saaciday aqoontii iyo mutacalimiintii lagu majeeran jiray Gobolka Awdal, waxaanay arrintaasi sababtay in nabad-gelyadda iyo horusocodka gobolka Awdal ka jiraa uu noqday mid ay safka hore kaga jirto horumarka dalka. Waxa aqoonta Prof. Saleebaan Axmed Guuleed ay noqotay mid si togan ummaddiisa uga faa’iideeyay, iyadoo jaamacadaasi ay calanka u sido jaamacadaha kale ee dalka oo dhan laguna tilmaamo inay tahay horyaalka hoyga tacliinta sare ee Somaliland. Aan ku bogaadino taariikhda san ee Prof Saleebaan ku dhigtay diiwaanka taariikhda, isagoo ah aan haddii uu shaqada ka tago ay uguba filan tahay hadyadaha uu ka helo midhihii uu soo beeray iyo toban kun ku dhawaadka qof ee uu indhaha u jeexay oo uu sabab u noqday inuu ka xoreeyo duliga jahliga.
Prof. Cali Khaliif Galaydh
Waa aqoon-yahan iyo siyaasi weyn oo u dhashay gobolka Sool ee Somaliland, waa nin weyn oo ah da’da madaxa la sii galaysa toddobaatameeyadii. Waxa laga yaqaanaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxaanay ummaddu u taqaanaa inuu yahay mutacalimiinta waddanka u dhashay ee haddii ay maskax la yimaadaan dadkooda barwaaqo iyo Guryo-samo furi kara.
Cali Khaliif Galaydh waxa uu qeyb ka ahaa siyaasiyiintii iyo waxgaradkii reer Sool ee ka soo qeyb-galay shirweynihii lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshadda madax-banaanida Somaliland ee lagu qabtay magaaladda Burco sanadkii 1991-kii iyo shirkii ka dambeeyay ee Boorame Lagu qabtay sanadkii 1993-kii. Waxa uu ahaa siyaasiyiintii wax ka dhaliyay qaranimadda Somaliland ee maanta rubuc qarniga ku naaloonayay nabadda iyo dawladnimadda taabo-galka ah.
Prof. Cali Khaliif Galaydh wuu ka noqday mabda’iisii Somaliland, waxaanu u doolaalo tagay Soomaaliya oo uu dhawr bilood Raysal wasaare u noqday dawladii C/Qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Carta sanadkii 2000. Wali lama arag lamana maqal Cali Khaliif Galaydh oo ugu yaraan toban Buug oo cilmi ah u soo diray gobolka Sool ee uu ka soo jeedo. Wali lama maqal wax mashaariic horumarineed ah oo uu iskii xataa hal dugsi ugu dhisay bulshadiisa iyo beeshiisa.
Waxase la isku raacsan yahay in Cali Khaliif Galaydh uu bulshadiisa uu hormuudka u sheegto dibada uga soo waarido tarays nool iyo xabad. Waxa kale oo Prof. Cali Khaliif Galaydh uu ku fikiraa inuu dabka saaro dhalinyaradda iyo da’yarta dugsiyadda ku jirta ee goboladda Sool iyo Buuhoodle oo uu isku dayo inuu dhiigooda ku gaadho kursi iyo mansab uu ka qabto dawladda Soomaaliya.
Waxa uu xataa doonayaa inuu jalka iyo adeegyadda caafimaadka kala dagaalamo bulshadiisa oo ah gobolka ugu mustawaha hooseeya Somaliland marka laga eego dhinaca horumarinta, waxaana arrintaasi fure u ah qaska iyo qalaan-qalka uu aqoon-yahankoodii oo dibada soo dhigtay maxastiisii uu doonayo inuu ku khamaaro da’yarta goboladda uu ka soo jeedo oo horumar iyo dugsiyadda waxbarashaduba gaadheen inta ay Somaliland gacanta ku haysay lix sanno ku dhowaadkii u dambeeyay.
Prof. Galaydh waxa uu noqonayaa nin weyn oo ka baaqsaday kaalintiisii iyo hal-abuurkii uu la iman lahaa ee uu bulshadiisa ku gaadhsiin lahaa horumar iyo nabad ay ku tanaadaan oo ay wax kula qeybsadaan qayrkood. Aqoon-yahan Galaydh waxa ay aqoontiisu noqotay mid uu kula masoobayo dadka caamadda ah, waxaanu tusaale taban u yahay qof kasta oo indhow garad ah oo ka baaqsada xilka iyo waajibaadka aqoonta uu sheeganayaa farayso.
Prof. Cali Khaliif Galaydh Iyo Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa isku jira cirka iyo dhulku masaafadda ay isku jiraan, waxaanu mid waliba mustaqbalka dhami doonaa dhitada uu dhigtay iyo natiijadda tacabka uu beertay oo laga abaal marin doono if iyo aakhiraba.