Isbaaradihii Ex-contorool Afgooye oo lagu guuleystay in laqaado
Muqdisho Dec 02, 2012 (SDN)—Isgooska Ex-controol Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa halkaasi laga qaaday isbaaro taalay halkaasi oo aheyd mid kamid ah isbaarooyinka ugu waaweyn ee taala Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Ex-control ayaa wax aay sheegeen in guud ahaan ay ku guuleesteen maanta inay si toos ah uqaadaan isbaaradii taalay halkaasi oo gaadiidka lacago sharcidarada ah looga qaadi jiray.
Axmed yare oo ah afhayeenka Ciidanka Ex-control oo halkaasi saxaafada kula hadlay ayaa wuxuu sheegay in qaadista isbaarada ay ka dambeysay kadib howlgal ay halkaasi saaka waaberigii ay ka sameeyeen ciidanka.
Wuxuu sheegay in haba yaraatee iminka aysan jirin isbaaro taala halkaasi oo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay lacago sharci daro ah ay uga qaadayaan gaadiidka halkaasi isticmaala.
Nuur Xasan Maxamuud oo ah taliyaha ciidamada Dowladda ee Ex-control oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in iyadoo la fulinayo amarka Madaxweynaha Soomaaliya la qaaday isbaaradii taalay Isgooska Ex-controol.
Isbaarada Ex-control ee taalay wadada dhanka koonfureed looga baxo Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay aheyd mid kamid ah isbaarooyinka ugu waaweyn ee gaadiidka lacago sharci daro ah looga qaadi jiray,ugu dambeyna maanta iyada la qaaday.
25-Bishii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu amar cad ku bixiyay in gabi ahaanba la qaado isbaarooyinka yaala Magaalada Muqdisho.
SDN- Muqdisho