Isariil oo duqeysay aaga cisbitaalka Kuwait ee Qasa
Qaza December 20, 2023 (QJ) -Wasaaradda caafimaadka Qaza ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 qof ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen Arbacadii duqeymo cirka ah oo ka dhacay Rafah oo u dhow xuduudka Masar.
Wariyaasha ayaa indhahooda ku soo arkay in ka badan 10 duqeyn oo dhanka cirka ah oo lagu garaacay dhowr guri oo ku dhow xadka.
“Laba iyo toban shahiid iyo tobaneeyo dhaawac ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa laga soo saaray burburka hoostiisa kadib markii guri iyo masaajid lala beegsaday boqolaal mitir oo u jira isbitaalka Kuwait” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada.
Muuqaalo laga soo duubay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq aad u badan iyo holac dab ka kacaya iyadoo ay jiraan qaraxyo waaweyn oo ruxay goobta.
Israa’iil waxay sii waddaa ololaheeda aan kala joogsiga lahayn ee cirka iyo dhulka ah ee ka dhanka ah Xamaas, oo ka talisa marinka Qaza, maalintii 75-aad ee dagaalka oo qarxay ka dib weerar dhiig badan ku daatay oo maleeshiyada Xamaas ay ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar.
Weerarkii Xamaas ayaa lagu dilay Israa’iil ilaa 1,140 qof, oo u badnaa dad rayid ah, sida laga soo xigtay tirooyinka rasmiga ah ee Israa’iil.
Weerarada aargoosiga ah ee Israel ayaa ugu yaraan 19,667 qof, oo u badan haween iyo carruur, lagu dilay Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulka Falastiin.