Is sharaxaadii AL-ZIIZI oo lagaga jawaabay Dibadbaxyo baaxad leh
02,Apr.2014(SDN)-alka Masar,ayaa waxa gilgilay dibad baxyo xoogan oo lagaga soo hor jeedo is sharaxaadda Cabdi Fataax Al-ziizi. Dibadda baxyadan ayaa waxa samaynaya dad u badan ardayda Jaamacadaha.Ciidamadda amaanka ayaa ay iska hor yimaadeen Ardayda oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah is sharaxaada Ziizi.
Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ilaa hadda ka dhashay iska hor imaadkan u dhexeeya Ciidamada amaanka iyo Ardayda Jaamacadaha waddanka Masar,gaar ahaana Aradayda Jaamacadda Al-Azhar oo ah xudunta kacdoonka Ardayda ee ka dhanka ah Xukunka Milatariga ee Dalka masaarida.
Ilaa hadda waxa la xaqiijiyay inay 31 qof ku wax yeelooben isku dhacyaddan ugu danbeeyay.
Dhinaca kale waxa la sheegayaa inuu si rasmi ah u bilaabay Ololihii dhinaca Doorashadda Cabdi fataax Al-ziizi,oo dhawaan iska casilay Hogaankii Guud ee Milatairga Masar iyo Wasiirkii Difaaca Wadankaasi.
Masar,SDN.
Contac@somalidiasporanews.com