Is-rasaasayn ka dhacday garoonka diyaaradaha Laascaanood iyo sababta
Hargeysa. 2 August, 2022 (QJ) – Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhaawacmay is-rasaasayn saaka Jimcihii ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay isku weerareen dad kala taabacsan laba ganacsade oo qaadka keena magaalada Laascaanood.
Israsaasaynta ayaa timid kadib markii ganacsatada qaadka Miirooga keena magaalada Laascaanood, ay isku maan dhaafeen imaatinka diyaarad qaad siday oo soo caga dhigatay magaalada.
Sidookale, diyaarada qaadka siday ayay dhibaato kasoo gaadhay rasaas haleeshay, diyaarada ayaana dib uga duushay magaalada Laascaanood, kadib khilaafka soo dhexgalay labada ganacsato.
Ma jiro war kale oo illaa hadaa kasoo baxay laamaha ammaanka iyo dhinacyada is rasaaseeyay oo ku aadan dhacdadan mashqadu ka dhalatay.
Laascaanood waxa la geeyay qaadka ama jaadka dalka Kenya iyadoo diyaarado lagu geeyo.