|

Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland oo beeniyay khilaaf ka dhexeeya

Hargeysa. 4 December, 2022. (QJ)-  Mucaaradka Somaliland waxay beeniyeen in uu ka dhexeeyo wax khilaaf ah kadib warar soo baxay oo sheegaya in labada xisi qaran ee mcuaaradka ahi ay go’aamada qaar isku khilaafeen.

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Cumar Faarax, oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay waaxa uu sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo ka dhexeeya Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland masuuliyiin ka tirsan ayaa marar kala duwan sheegay in aanay heshiis ahayn labada hogaan ee xisbiyada mcuaaradka ah, taas oo ay sii buun buuniyeen dadka tageersan xukuumaddu.

Is-bahaysiga Mucaaradka Somaliland ayaa lagu xasuustaa in ay sameeyeen taxaaluf keenay in ay hantaan hogaanka abarlamanka iyo badi maayirada magaalooyinka Somaliland, taas oo hurada u diiday madaxweynaha mudo xileedkisu dhamaaday ee Somaliland Muuse Biixi oo illaa imika diidan doorasho kale oo labadaas xisbi ay la gaalaan ixbsigiisa Kulmiye.

Comments are closed