Iran iyo reer Galbeedka oo qarka u saaran in heshiis laga gaaro Barnaamijka Neclear-ka dalkaasi
Geneva Nov 09,2013(SDN)-Madaxda wasaaradaha reer Galbeedka ayaa ku sii qulqulaya magaalada Geneva oo maalintii sadexaad ay ka socdaan wadahadalo u dhexeeya reer Galbeedka iyo Iran.
Wadahadalada ayaa looga ari sanayaa sidii loo joojin lahaa barnaamijka Nuclear-ka ee dalka Iran.
Reer Galbeedka ayaa aaminsan in Iran ay sanadka danbe bartankiisa ku sameysan kareyso hubka Nuclear-ka hadaan wax laga qaban.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa xalay gaaray magaalada Geneva isla markaana kulan saqdii dhexe gaaray la yeeshay dhigiisa Iran Javad Zarif.
Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka Britain,UK,China iyo Ruushka ayaa haatan gaaray iyana magaalada Geneva si ay wadahadalada uga qeybqaataan.
Dalka Iran ayaa intii ka danbeysay dardar gelintooda Nuclear-ka waxa dul yiilay cunaqabateyn curyaamisay dhaqaalaha dalkaasi.
Iran ayaa haatan u muuqata in ay dooneyso in ay hakiso barnaamijka Nuclear-ka si looga dulqaado cunaqabateynta.
SDN-Geneva
contact@somalidiasporanews.com