Iran iyo Reer Galbeedka oo isku mari waayay heshii hubka Nuclear iyo wadahadaldii oo galay marxalad xasaasiya
Lausanne April 02, 2015(SDN/QJ)-Wadahadaladii hubka Nuclear ka ee u dhexeeyay wadamada awooda veto da ku leh QM iyo Garmalka ayaa galay marxalad xasaasi ah ka dib kolkii ay dhinacyadu ku guuldareysteen in ay heshiis gaaraan ka hor mudadii ay qabsadeen oo shalay ku ekeyd.
Dadka ku dhawdhaw wadahadaladan aan saxaafada u furneyn ayaa soo weriyay in Iran ay dooneyso in xal ama heshiis kama danbeys ah laga gaaro dooda ku xeeran hubkan Nuclear ka ee ay dooneyso in ay si nabad ah u isticmaasho.
Halka reer Galbeedku doonayaan in aan lagu degdegin heshiiska balse uu noqdo mid laga gaaro ujeedooyinkii laga lahaa oo ah in Iran aan loo ogolaan in ay sameysato hubka Nuclear ka.
Wasaarada difaaca Mareykanka iyo wasiirka arrimaha dibada ee Iran ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay wadahadalada iyo marxaladan ay galeen.
Wasiirka Arrimaha dibedda Iran Maxamed Shariif ayaa sheegay in loo baahan yahay in wadahadalada laga miro dhaliyo bacdamaa aan la hubin in fursadan oo kale ay na soo marto.
Halka Mareykanku sheegay in ay doonayaan in wadahadaladu sii socdaan waxaaney ka codsadeen dhinacyada in la kulmo inta wax la isla meel dhigayo.
Caqabadaha ku xeeran heshiiska ayaa ah Iran oo dooneysa in heshiiska ay ku bedelato cunaqabateynta saran oo gebi ahaan laga qaado.
Wadamada wadahadalka kula jira Iran Ayaan awood u laheyn in ay cunaqabateynta gebi ahaan qaadaan, halka xukuumada Iran aaney dhankeedu awood ay barnaamijka ku joojiso laheyn bacdamaa xagjiriinta dawlada ka mida qaarkoo aaney ogolaan doonin.
Reer galbeedka iyo Iran ayaa mudo 12 sanadood ah isku maan dhaafsanaa barnaamijka hubka Nuclear ka ee dalka Iran, waana sababtaa ta haatan heshiisku u muuqdo mid aan suurto gal aheyn
SDN/QJ-Lausanne