|

“Intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dalka Qabsatay Cidda La Baa’biinayo & Cidda La Wiiqayaaba Ma dhaafsiina Subeer Awdal……” Suldaan Xasan Suldaan C.laahi

Hargaysa 07. March 2016 (SDN/QJ):- Suldaanka Guud ee Beelaha SUBEER AWAL Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo ay hareero Fadhiyeen qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Sacad Muuse (Subeer Awal), ayaa si Adag uga hadlay Xadhigga Suldaan Mowliid Cali Sabbeyse iyo Suldaan Ibraahim Sulub oo Xukuumaddu u xidhay shaqaaqo ka dhacday Deegaanka Hadeyta ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa Xilli ay ka socotay Diwaangelinta Cod-bixiyayaashu.

suldaan-xasanSuldaanka Guud ee Subeer AWAL, waxa uu ugu baaqay Xukuumadda inay Xorriyaddooda u soo celiso labada Suldaan oo uu sheegay in xukuumaddu ku wanjashay inay geysteen Weerarka lagu qaaday Deegaanka Hadeyta oo Komiishanka Doorashooyinku raaciyey tuulooyinka hoos taga Degmada Lughaya ee Gobolka AWDAL, inkasta oo Shacabka Gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal ku muransan yihiin Gobolka ay ka tirsan tahay.

Suldaan Xasan, waxa kale oo uu xukuumaddu u soo jeediyay inay si deg-deg ah u soo afjarto muranka Dhuleed ee ka taagan Lix degmo oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Hargeysa, kuwaas oo 15-kii Sanadood ee u dambeeyay aanay Dadka ku nooli ka qayb-gelin doorashooyinkii Dalka ka dhacay, maaddaama oo la isku haysto Gobolka ay ka tirsan yihiin, “Shacabka Waqooyiga (Hargeysa) ee Muddada Xaqiisa iyo Xuquuqdiisa u la’ayn, iyada oo aan Xadkiisa iyo Xurmadiisa la garan waayey ayaynu Maanta u fadhinaa in la fasaxo, Maaddaama oo aynu Muddo dheer u samreynay in la fasaxo oo xitaa aanu Kacdoon Shacbi hore uga samaynay, Kacdoonkaas oo Galaaftay Xukuumaddii Sharafta lahayd ee ka horeysay Xukuumaddan, Waayo? Kacdoonnadaasi Sababtii ay u dhaceen Utunnihii ugu waaweynaa ayay ka mid ahayd Cunsuriyadihii (ka jiray) Goobaha Gobolka Maroodi-jeex (Waqooyiga Hargeysa).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Xadhigga Suldaan Sabbeyse iyo Suldaan Ibraahim Sulub, “Qodobka labaad ee aan ka hadlayaa waxa weeyaan Madax-dhaqameedkii aanu Nabadda u dirnay iyo Innamadii Dirawaliinta u ahaa ee Gaadiidka u waday ee markii Kacdoonka Shacab ka kacay Waqooyiga (gaar ahaan) meesha Hadeyta loo yaqaanno gurmadka u tagey ee Innamadooda hubka ka soo gurayey ee ilaa Maanta xidhan, laguna Masabiday Shifto-nimada (Dabley ahaan), inay tahay in Oodda laga qaado (oo la soo daayo).”

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal, waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo illaa markii ay talada Dalka la wareegtay ka shaqeynayso sidii ay Beesha Subeer Awal u wiiqi lahayd, “Wax badan ayaynu samirnay, Waayo? Tan iyo Intii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dalka qabsatay Cidda keliya ee la cunsuriyadeynayo, la baa’biinayo iyo Cidda la wiiqayaaba ma dhaafsiina Subeer Awal, iyadoo la xusi karayo in Beelaha kale ee Walaalaheen ahi innala qabaan oo aynu ognahay dhacdooyinkii meesha ka dhacay, Cid walba sidaa aynu Dhaawac muujinta u haysanno ayay u haysataa dhaawac muujin. Maalintii Madaxweyne Riyaale uu xilka ku wareejinayey Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu yidhi waxaan kugu wareejinayaa Dal iyo Dad mid ah, Maantana waynu arkaynaa halkeyno Mareynno oo Somaliland Bari iyo Galbeed midna ma bed-qabto Maanta.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Halkan waxaanu ku caddeynaynaa haddaynu nahay Beesha Subeer Awal, khaasatan Beesha Sacad Muuse ee halkan fadhida (Shirka jaraa’id) Sacad Muuse ma kaco, hadduu kacana ma fadhiisto, aad bay u adkaanaysaa inay fadhiistaan, laakiin waxa la yidhi horta aynu horta Farriinteena gudbinno, Waayo? Markii hore waxaanu ku tashanay oo aanu nidhi Warbaahinta innaga daaya (oo yeynaan ka hadlin) oo sidii Nidaamku ahaa aynu Fool ka fool Dawladda ugala hadalno waxaynu tabaneynno oo aynu xalkeeda ka raadino, laakiin Annaga oo si Asluubeysan u dhamaysan lahayn Arrimaheenna ayay Xukuumaddu nagu badhi-furtay oo ballamihii ay qaadday oo ahaa labadaa (inay soo deyso Madax-dhaqameedka u xidhan Falkii Lughaya iyo inay Muranka Waqooyiga Hargeysa dhamayso), labadaaba wax alaale iyo wax ay ka qabatay ma jiraan oo way nagu badhi furtay, markaa Go’aankeennu wuxuu noqonayaa inaan waxba inoo xidhnayn (Xukuumadda).”

Suldaanka Guud waxa uu farriin u diray Beelaha AWDAL iyo SELEL, waxaanu yidhi, “Haddaynu nahay Beesha Subeer Awal, Aniguna ahay Suldaankoodii Guud waxaan halkan ka caddeynayneynaa Beelahaa aynu Walaalaha nahay ee aynu Xeebta Waqooyiga wada degno ee Samaroon iyo Ciise ah ee aynu Abtiyaasha nahay, Gacanka nahay  in aanay wax dhibaato ahi innaga dhaxeyn, in aanay wax Utun ahi innaga dhaxeynin, inaynu walaalo nahay oo aynu Ul iyo diirkeed nahay.”

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, waxa uu mar kale ku celiyey in Xorriyaddooda loo soo celliyo Salaadiinta Xidhan, “Go’aanka Subeer Awal waxa uu yahay Maanta in xorriyaddooda loo soo celiyo Madax-dhaqameedka Xidhan, haddii la soo deyn waayana Subax noolba Cuqdad iyo Arrami ayay ku biireysaa Shacabkayaga Qaddiyaddaasi, soo-deynta Madax-dhaqameedku waxay Dan u tahay Xukuumadda iyo intay Cagaha ku qaadato, waxay Dan u tahay Raciyadda. In sharciga la ilaaliyo Xukuumadda waa u Dan, Raciyaddana waa u Dan, laakiin haddaad Maanta sharcigii laalaabteen oo aan la ixtiraameyn in Gobolka Maroodi-jeex Xuduudihiisu noqdaan sida Qaranka kaleba yahay, maxaa ka urey Meeshayada oo Kaashmiir ka dhigay? oo la iskugu haysanayaa, waxaan leeyahay ma noqonayso Kaashmiir ee haddii Xukuumaddu si deg-deg ah wax uga qayban waydo Karis xun iyana wax ku la’….”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka hadlay Dilkii loo geystay Taliyihii Qaybta Booliiska ee Gobolka Saaxil Marxuum Cabdirisaaq Yuusuf Caseyr, “Tacsi baanu u direynaa Taliyihii Qaybta Booliiska Gobolka Saaxil ee la dilay, aad baanuna uga xunnahay, waayo? Qaranka ayuu ka baxay oo Innaga ayuu inoo shaqeynayay, Qaranka ayuu u shaqeynayay, waxaase Nasiib daro ah halkan (Hargeysa) ayaa Wufuud laga dirayaa iyada oo Madaxdii Ummaddu joogto oo Dhaqanku uu jaran-jaro kala leeyahay, haddana Xukuumaddu waxay mar walba ku gabbaneysaa inyar oo ay Gacan-saar la leedahay, kuwaasina Maaha kuwo ka tarjumaya Arrimaha Masiiriga ah oo aan Anigu u xil-saartay Dhaq dhaqdhaqaaqyada Ceel-garde iyo hadday tahay Xeebta Waqooyigaba.”

Ugu dambeyn, Suldaanka Guud waxa kale oo uu farriin Nasteex ah u diray Dad uu ku tilmaamay Weji ku macaash, kuwaasi oo uu xusay in Xukuumaddu u adeegsato inay ka daba hadlaan Madax-dhaqameedka Beeshu markay Danaha Beeshooda ka hadlaan, “Waxa kale oo aanu caddeynaynaa in Xukuumaddani ku caan-baxday in marka aynu ka hadlayno Danaheenna, Rabitaankeenna iyo Deegaannadeena, Dadkeena iyo Qarankeenna in lagaa daba hadashiiyo Dad aan Maqaamkaaga ahayn ee loo Weji ku macaashka oo wax lagu soo shubtay, waanu ka Afeef dhiganaynaaye kaasi innama matalo oo innama khuseeyo, hadduu naga daba hadlana hadalkiisu waa Waraabe Dharaar ciyey, ee calooshii u shaqeystuhu waxa yar ee la soo siiyey ha kula noqdo halka laga soo siiyo, hadduu talada Reerka doonayana meel bay taallaa Taladu Reerku, oo Gurigii Salaadiinta Subeer Awal baa halkan (Hargeysa) ku yaalla ee Annaga yaan Telefiishannada la noogu kaa kireyne guriga noogu kaaley.”

Comments are closed