|

Injineero lagu dilay Wooqooyi Bari Kenya

Garisa January (QJ) – Waxa maanta gobolka waqooyi bari ee Kenya ka dhacay qarax miino oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray injineero ku jiray howlgalo kormeer ah.

Qaraxa ayaa lal beegsaday gawaari ay wateen shqaalaha kormeerayay waddada tareenka ee isku xiraya dalalka Kenya iyo Itoobiya, oo ku dhaw magaalada Gaarisa.

Inta la ogyahay qaraxan waxaa ku dhintay afar qof oo saddex kamid ah la sheegay in ay ahaayeen injineeradii kormeerka ku jiray, halka Iyana ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay qaraxan oo xaaladooda lala tacaalayo.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Waqooyi Bari, George Seda ayaa warfidiyeenka u sheegtay in ay baxsadeen kooxdii ka dambeesay qaraxa miino ee lagu dilay injineerada, waxa uuna sheegay taliyaha in ay socdaan howlgalo lagu baadigoobayo dadkii qaraxa ka dambeeyay.

Gobolka waqooyi bari Kenya waxa ku soo noqnoqda weeraro iyo qaraxyo lala beegsado inta badan ciidamada Kenya, iyada oo aan inta badan cidna loo qaban weerarada.

Comments are closed