|

Ingiriiska oo sheegay waxay kala hadleen Puntland

Muqdisho May 05, 2024 (QJ) – Safaaradda Britain ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday qodobbo gaar ah oo ay kaga wada hadleen kulankii shalay magaalada Garoowe ku dhex maray Safiirka Britain Michael Nithavrianakis iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siciid Deni, kaasoo muddooyinkii dambe cirka isku sii shareeray.

Safiirka ayaa ku nuux-nuux saday Deni muhiimadda uu leeyahay wada-hadallada, isagoo ku booriyay labada dhinac inay ka wada-hadlaan sidii xal looga gaari lahaa xiisadaha taagan, iyadoo wakiillada caalamiga ah ay ku boorinayeen labada dhinac inay yimaadaan miiska wada-xaajoodka si xal loogu helo xiisadda sii korortay.

Wadashaqeyn ama iskaashi dhexmara Puntland iyo UK, maadaama Puntland ay horay beesha caalamka uga codsatay in si weyn looga qaybqaato.

Comments are closed