|

Ingiriiska Oo Safaaraddiisii Dalka Yemen Maanta Dib u Furay

embasySanca:18-Aug-2013-(SDN)-Safaarada Ingiriisku ku leeyahay Magaalada Sanca ee Dalka Yemen, ayaa maanta dib loo furay ka dib markii  ay muddo kaw iyo Toban cisho ah u xidhnayd xaalad ammaan.

Safiirka dowladda Ingiriiska ee dalka Yemen Jane Marriott ayaa raali gelin ka bixiyay hakadkii ku yimid shaqada safaarada ee dalkaasi Yemen, kadib markii uu qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

 

Dhamaan shaqaalaha Ingiriiska ee safaarada Sanca, ayaa dib loogu celiyay dalkooda kadib markii farriin hanjabaad ah loo soo diray, taasi oo ku aadaneyd weeraro xoogan oo safaarada lala eegto.

 

Amaanka dalkaasi ayaa la xaqiijiyay sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada amaanka dalkaasi Yemen oo la hadlay saxaafada, iyadoo amaanka ay xaqiijinayaan ciidamada sirdoonka dalkaasi Yemen.

 

Dhawaan Mareykanka ayaa xidhay safaarado badan  oo uu ku lahaa wadamada ku yaalla bariga dhexe, waxaana  sababay baqdin laga qaaday weeraro ka dhacaya safaaradahaasi.

 

Ciidamo boqolaal gaadhaya oo Yemen ah ayaa loo daabulay goobaha sida aad ah looga shakisan yahay inay amni daro ka dhici karaan, sida saraakiisha amaanka ay sheegeen.

 

Dalka Yemen ayaa saldhig u ah Alqaacidada gacanka carabta ee AQAP, kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeeyay qaadayay weeraro kala duwan oo ay la eeganayeen xarumaha ciidamada Meletariag.

 

 Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed