Ingiriiska oo ku baaqay xalka Suuriya inuu yahay Assad oo xukunka ka taga
London May 22,2013(SDN)-Wasiiraka arimaha dibada e xukuumada Ingiriiska Mr. William Heeg ayaa sheegay in Iraan iyo xisbulla ay taageerayaan madaxweynaha Suuriya Bashaar al Assad .
Mr.Heeg waxaa uuu sheegay in dalkiisu uu arko , in aan wax xal ah loo heli kareyn xiisada ka oogan wadanka Suuriya , inta uu madaxweyne Assad uu sii hayo xukunka .
Wasiirka arimaha dibada ee xukuumada Ingiriisku waxaa uu hadalkani ka sheegay shir jaraaid oo u la qabtay dhigiisa Urdun Mr. Naasir Jodah, waxaanu intaasi ku daray in mawqifka boqortooyada Ingiriisku uu yahay in Mr. Assad uu iskaga tago xukunka dalkaasi Suuriya , isla markaana aanay xal aheyn sii joogistiisa uu kusii baaqiya yahay talada wadankaasi.
Mr.Heeg ,waxaa kale uu farta ku fiiqay in ay beesha caalamka ku boorin doonaan marka la iskugu yimaado shir weyne caalami ah oo lagu naqishaayo xaalka suuriaya , dhawrka maalmood ee soo socda , sidii loo soo afjari lahaa colaada ka aloosan wadanka Suuriya mudada labada sanadood ka badan, taasi oo halis ku haysa ayuu yidhi deganaashaha gobolkaasi.
Dhinaca kale, hogaamiyaha mucaaridka Suuriya Joorj Sabri ayaa ka codsaday kooxaha kale ee mucaaridka ahi in ay hub iyo ciidanba ku taageeran xoogaga k a dagaalamaya magaalada Quseyr , halkaasi oo ciidamada dawlada oo ay taageerayaan kuwa xisbulla ay weerar culus ku hayaan.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com