|

Ingiriiska Oo Ka Hadlay Muhiimadda ay Leedahay Doorashada Lagu Wado Inay Somalia Ka Qabsoonto Sanadda 2016-ka

London:Sep,25,2014(SDN/QJ)-Dalka Britain oo kamid ah dalalka taageerada dhaw siiya dawladda federalka Somalia, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay doorashada lagu wado inay Somalia ka dhacdo sanadka soo socda ee 2016-ka.

birieWasiirka Britain ee Arrimaha Afrika James Duddridge, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inay muhiim tahay Doorashada Madaxtinimada Somaliya ee 2016-ka, si uu horumar u sameeyo dalka ay dagaaladu la deggeen.

Wasiirka oo wareysi dhinacyo kala duwan taabanaayay siiyay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu ku soo hadalqaaday xasilooni darada ee dalalka Qaarada Afrika qaarkood, ka heysata Ururada Islaamiyiinta ee ka dhisan.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in halmeel laga wada eeggo Uururada Islaamiyiinta, isagoo si gaar ah u sheegay in Britain ay Dowladda Somaliya ka caawin doonto la dagaalanka Al Shabaab, iyadoo markaasi la xoojinaayo Ciidanka Qalabka Sida ee Somaliya.

Mar uu ka hadlaayay Doorashada Somaliya ee sanadka 2016-ka, ayaa wuxuu ku sheegay mid muhiim ah oo la doonaayo in hore loogu dhaqaajiyo Somaliya, si looga gudbo in cid gaar ah ay soo doorato Madaxweynaha.

Wuxuu sheegay inay jiraan caqabado ka horiman kara in Doorasho afti dadweyne ka dhacdo Somaliya, balse wuxuu hadafku ku sheegay in Somaliya ay ka dhacdo Doorasho xalaal ah.

James Duddridge, ayaa xusay in Ra’iisal Wasaare David Cameron uu diyaariyay qorshe muddo fog soconaayo, oo lagu taageeraayo Dowladda Somaliya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed