|

Ingiriiska oo ka baqdin qaba qatar kaga timaada dalal ay Soomaaliya ka midtahay

London Feb 04 2013 (SDN)— Xog’hayaha arrimaha dibada dawlada Ingiriiska William Hague oo ka hadlayay magaalada London ee xarunta wadanka Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay in dawladiisu walaac badan ka qabto dhawr wadan oo Soomaaaliya ku jirto.

William Hague waxaa uu sheegay in dawlada Ingiriisku ay aaminsan tahay

in dhibaato badan uga soo wajahan tahay wadamada Soomaaliya, Afghanistan iyo Pakistan oo uu sheegay inay wal wal badan ka qabaan dadka wadamadaasi u dhashay.

“Meelaha Ingiriisku ka filayo in dhibaato uga timaado waxaa ugu waa weyn Soomaaliya, Afghanistan iyo Pakistan waana halis aanu ka warqabno” ayuu ka yiri magaalada London William Hague xog’hayaha arrimaha dibbadda dawlada Ingiriiska.

In si qotto dheer loola socdo dhaq dhaqayada dadka wadamadaasi ka taga ay xusay inay tahay mid muhiim u ah Dowladiisa iyo la socosho lagu sameeyo xaaladaha amaan ee wadamada Saxaraha Africa ka hoseeya.

Ingiriisku dhawaan ayuu digniin kasoo saaray wadamada ay Soomaaliya kamid tahay inaysan dadkiisu u safrin.

SDN-London

Comments are closed