|

Ingiriiska oo digay Khatarta Kooxda Al shabaab Weerarkii West-gate kadib

London 28.Sep 2013 (SDN)- Weerarkii dhimashada badnaa ee ka dhacay WestgateĀ Mall ee Magaalada Nairobi ayaa siyaabooyin kala duwan waxaa kaga hadlay Beesha caalamka Qaarkoodna Weerarkaasi ka dib waxay galeen taxadar dhanka amaanka ah, iyagoo ka baqay in talaabada xigta iyaga ay noqdaan.

uk-flagDalka Britain marka loo eego Yurub waa Wadanka ugu badan ee Soomaalida ay ku nool yihiin,waxaana hada Britain ay dareentay cabsi ku aadan in Weerar la mid ah Midkii Westgate uu halkaasi ka dhaco.

Warka oo wax ka qortay wakaalada warar ee AFP,ayaa Boqol kun oo Soomaali ah ku sugan Britain ayaa waxaa soo wajahay cabsi ku aadan in dhalinyaro Al-shabaab xiriir la leh Al-shabaab ku soo dhex dhuuntaan ka dib weeraro halkaasi ka fuliyaan.

Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in Al-shabaab weeraro ay ka fuliyaan wadamada Gobolka ku yaala iyo kuwa caalamka intaba ka dib cashar hordhac ah ay ka bixiyeen Nairobi.

London SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed