India oo Pakistaan ku eedeysay in weerar baahsan ay ku soo qaaday
Spinagar Oct 24,2013(SDN)-Dawlada India ayaa ku eedeysay in ciidamada ilaalada xadka Pakistaan ay weerar ku qaadeen ilaa 50 degmo oo ka mida kuwa dhaca xadka degaanka muranku ka taagnaa mudada ee Kashmir.
Dawlada India ayaa sheegtay in ay jawaab ka bixisay weerarka Pakistaan ay ku qaaday degaanadan ka mida dhulkooda.
Weerarka ayaa ku soo beegmay xili uu degaankaasi booqanayay wasiirka arrimaha guddaha ee dalka India.
India waxa ay sheegtay in ay boqolaal qoys ka daad gureysay aaga dagaaladu ka dheceec ee Arnia iyo Ramgarh.
Sidoo kale waxa ay India shaaca ka qaaday in weerarka uu uga dhintay mid ka mida askartooda halka dhar kalena ay uga dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa ah kii ugu ba’anaa ee khalkhal geliya xabjoojintii u dhexeysay labadan dal ee leh hubka Nuclearka mudo toban sanadooda.
SDN-Spinagar
contact@somalidiasporanews.com