|

indho Sarcaadaka Siilaanyo ee Furitaanka Madaarka Hargeya iyo Baaqashadiisa Xuska Geeridii Senaawi

Hargeysa Aug 18,2013(SDN)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay dib u furay madaarka Hargeysa oo mudo u xirnaa dib u habeyn lagu waday awgeed.

Madaarka Hargeysa uu dayactirkiisu qabyo ahaa ayaa furitaankiisan degdega ah lagu sifeeyay dhawr arrimood.

Midi waa ta muujineysa musuqmaasuq baahsan oo lagu lunsaday lacagihii malaayiinta ahaa ee dawlada Kuweyt ugu deeqday dayac tirka Madaarka oo sababta in hawshii ay tiyoon dhameytirmin ay joogsatay.

Madaxweynaha ayaa dhegihiisa waxa ku batay xiliga madaarka dib loo furi doono.

Mar hadii aan kharash loo heyn dhameystirka dayac tirka ayaa madaxtooyadu goaamisay in la furo madaarka.

Ta labaadna waa madaxweyne Axmed Siilaanyo oo sababo aan ilaa hatan la shaacin awgood uga maagay ka qeybgalka xuska sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegtay geeridii Meles Sanaawi oo Adis Ababa shalay lagu qabtay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wararka qaar shegeen in aanu wax casuumada ka helin dawlada Itoobiya si uu xuska uga qeybgalo.

Si arinkaa looga mashquuliyo indhaha shacabka ayaa hore loogu soo dhigay furitaanka madaarka Hargeysa.

Si kasaba ha ahaatee Xukuumada Siilaanyo ayaa horeba ugu caan baxday in ay ku fashilanto mashruuc walba oo ay isku qaado.

Fadeexada Madaarkuna arinkaa ayuunbuu qeyb ka noqon doonaa.

 

Comments are closed