Indha-sheel Oo Ka Hadlay Sheegashadiisa Gobolka Sool iyo Puntland Oo Uu Si Dadban Gacan Uga Dalbaday
Taleex:May,02,2014(SDN./QJ)-Maxamed Jaamac Indha-sheel oo sheegta madaxtinimada Maamulka Khaatumo ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha Sheegashadooda Goobo ka mid ah Gobolka Sool iyo Waliba Dib u xorayn oo sheegtay in maamulkiisu samayn doono.
Indha-sheel oo ku sugan deeganka Taleex ayaa wali ku adkaysanaya inuu wado Hawlo Dib u xorayn ah oo uu ku raadsanayo Deegaano ka maqan.
Waxa uu sheegay in dhammaanba dadka ku nool deegaanada uu magac ahaan sheegtaa ay aaminsan yihiin mabda’a Khaatumo,
“dadka shacbiga khaatumo waa khaatimo,haddii shakhsiyaad garoowe ama Hargeysa u shaqo tago ma aha micnaheedu inuu dadku kala qaybsan yahay. awalba waxay u sheeganayeen ma ahayn mabda laakiin shacabku iyo masuuliylinta haatan joogtaa waa khaatumo, dagaalkan dalka lagu xoraynayona waa la isku raacsan yahay, shirkan haatan socdana waa la isku raacsan yahay.” Ayuu yidhi indha-sheel.
Waxa uu tilmaamay in Dib u xoraynta Deegaanka uu aaminsan yahay inay ka maqan yihiin soo celintoodu ay u taala dadka deegaanadaas ku dhaqan, isagoo soo dhaweeyey cid kasta oo fadqalalada la wadi karta, waxana uu yidhi,
“xoraynta deegaanada khaatumo waxay u taaalla reer Khaatimo ciddii ama deris ah ee na kaalmaynaysaa way ku mahadsan tahay, ciddii gardarrada diidan ma diidanin.”
Mar wax laga weydiiyey Joogitaanka Xildhibaan Cali khaliif ee Deegaanka Taleex waxa uu ku tilmaamay mid la xidhiidha Hawlaha Shirarka Khaatumo iyo waliba Hujuum ay ugu jiraan inay Somaliland Fargeliyaan, waxana uu yidhi,“xildhibaan cali khaliif waxa uu ka mid yahay golayaasha khaatumo, hawlaha shirka iyo hawlaha difacaaba wuu nagula joogaa, waajibkiisan wuu gudanayaa.”
Mr Indha-sheel oo ah ninka kalilya ee wali sheegta in khaatumo ay wax jira tahay, ayaan muddo saddex sano ah oo uu arrimahaas ku jirey wax natiijo ah aan haynin, waxana uu sheegaa waxyaabo aanu fulinteeda iyo aweedda midn lahayn.
SDN/QJ