In Xukuumadda Somaliland wax-qabadka ku xajiimooto waxa caddayn u ah XIL-KA-QAADISTA WASIIRKII CAAFIMAADKA DR. XUSEEN-XOOG
Todobaadkii hore wuxuu Madaxweynaha Somaliland isku-bedel, xil-ka-qaadis iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirada, iyadoo uu xubno miisaan leh, bulshada waxqabad u muujiyay meesha ka saaray. Si gaara, waxay bulshadu uga hadashay, ugana xumaatay xil-ka-qaadista wasiirkii Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), iyadoo aynu hore ula soconay sidii looga hadlay xil-ka-qaadistii Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo isna ka mid ahaa xubnaha waxqabadka muujiyay intii ay xilka hayeen.
Badi dadku waxay goobaha lagu kulmo maalmihii u dambeeyay kaga hadlayeen xilka-qaadista Dr. Xuseen-Xoog. Muddadii saddexda sanno ku dhawayd ee uu joogay, wuxuu si wayn wax uga qabtay adeegyada caafimaadka oo markuu xilka qabtay ahaa kuwo aad u liitay, wuxuuna awooday inuu hay’addo badan ku xidho wasaaradda, dhismaha cusbataalo, in dib loo hawlgeliyo cusbitaalo fadhiyay, sida Laascaanood, Ceerigaabo iyo kuwo kale fara badan. Fidinta adeegga caafimaad, wuxuu gaadhsiiyay magaalooyinka, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka. Sidoo kale, wuxuu cusbitaaladaa ka hirgeliyay nidaam ay hay’addo caalami ahi kab dhaqaale oo xagga gunooyinka hawlwadeenada ah si joogto ah ugu taageeraan cusbataalada dalka. Waxaynu ognahay in cududa shaqaaluhu ay tahay ta suurtogelin karta in la gaadho yoolka waxqabad ee la higsanayo, inay gunooyin helaan hawlwadeenada caafimaadkuna waxay ka qaybqaadatay horumarinta adeegyada caafimaadka ee wasiirku ku talaabsaday muddadaas.
Waxa intaa dheer, in sannadkii hore uu markii koowaad Somaliland ka hirgeliyay mishiinka Kelyaha oo muwaadiniin badani dibaddaha u tegi jireen, dhibaatooyin badana ku qabeen, iyadoo nasiib-wanaag adeeggan caafimaad maanta laga heli karo cusbataalka guud ee Hargeysa.
Haddaba, waxa iswaydiintu tahay xukuumadda Siilaanyo miyay ku xajiimootaa wax-qabadka?. Shaqsiyan, xil-ka-qaadista Dr. Xuseen-Xoog waxaan u arkaa in xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo aanay raali ka ahayn masuulka xilka loo dhiibay sidii loo baahnaa wax uga qabta, bulshadana ugu adeegga si daacadnimo, wadaninimo, xilkasnimo, aqoon iyo masuuliyadi ku jirto.
Khadar Ahmed Aden,
Guddoomiyaha Somaliland ee Galbeedka London.