|

In kabadan 30-ruux oo ku geeriyooday Shil Bus oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya

Gaarisa Feb 27 2013(SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhinteen Shil gaari oo maanta ka dhacay deegaan hoostaga Magaaladaasi.

Shilka oo ahaa Mid Bus uu galay  ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka  Mwingi waxaan la socday dad aad u farabadan kuwaasi oo ka yimid Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya islamarkaana doonayay gobolka Waqooyi Barki Kenya.

Inta la xaqiijiyay 35- ruux ayaa geeriyootay halka dhaawacana uu ka badan yahay 50 ruux sida laga soo xigtay Madaxa Ciidamada Ilaalada Wadooyinta (Taraafika) dalka Kenya Samuel Kimaru.

Intabadan dadka geeriyooday aya ku dhintay Isbitalka oo loola cararay si halkaasi loogu dabiibo, waxaana la tilmaamayaa in ay ku jireen dad badan oo Soomaaali ah dadka la socday Buska shilka galay.

Macadam sababta rasmiga ah ee ka danbeysay shilkaasi Bus hase ahaatee waxa uu ku soo aadayaa Xilli ay dadbadan oo Nairobi ku sugan ay u soo laabanayaan in ay ka codeeyaan gobolka Waqooyi Bari Kenya oo ay dadka Soomaalida ah kubadan yihiin.

SDN-Gaarisa

Comments are closed