|

In kabadan 30-qof oo ku dhintay Rabashado ka dhacay dalka Masar

Port Siciid Jan 27 2013 (SDN)– Ugu yaraan 30-qof ayaa ku geeriyooday Magaalada Port Saciid ee dalka Masar kaddib rabshado u dhaxeeyay Ciidamad Booliska iyo mudaharaadaayaal ka careysan xukun lagu riday taageerayaal kubada cagta ah.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegay in xaalada dalka aysan daganeyn gaar ahaa Magaalada Port Saciid halkaasi oo ay ku suganyihiin mudaharaadaal careysan oo ku baaqaya in uu iscasilo Madaxweyne Mursi.

Rabshadaha iyo kacdoonadan ayaa kadanbeeyay kaddib markii Maxkamad kutaala Magaalad Qaahira ay xukun dil ah ku riday 21-qof oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen Rabashado ay ku dhinteen 74-ruux oo ka dhacay Garoon kuyaalla Magaalada Porta Saciid bishii February.

Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi ayaa ku baaqay in laga sahqeeyo daganaanta iyo xasiloonida dalka, waxaama uu canabaareeyay rabshadaha markale ka soo cusboonaaday dalka Masar.

SDN-Port Saciid 

Comments are closed