In Kabadan 250-kun oo ruux oo la sheegay in ay ku geeriyoodeen Abaartii ku dhufatay Soomaaliya 2011-dii
Nairobi April 2013 (SDN)–Warbixin ay soo saareen Tododobaadkaan saraakiil ka soo jeeda Bariga Africa,ayaa waxay ku sheegeen in dad gaaraya 260,000 oo Soomaali ah ay u geeriyoodeen gaajo sanadkii la soo dhaafay ee 2011,taasi oo labo jibaar ka badan kuwii horay loo soo saaray.
Dowlada Mareynkanka iyo hay’ado Qaabilsan dhanka cunada oo indha idheyn iyo u kuur galid ku sameeyay Deegaano iyo degmooyin ka tirsan dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta ayaa hoosta ka xariiqay in sanadkii tagay 2011-ka Soomaaliya ay ku geeriyoodeen dad ka badan 260,000,kuwaasi oo inta badan saameyn ku yeelatay abaartii dalka ku dhifatay.Sidoo kale saraakiil Reer galbeed ah oo wax kala sucday warbixintaan iminka sida wada jirka ah loo soos saaray ayaa wakaalada warar AP u sheegay in 260,000 ay soomaaliya ugu geeriyoodeen Baahi,iyadoo la tilmaamay in dadka geeriyooday ay u badan yihiin carruur da’dooda ka hooseeyso shanta sano.Saraakiisha Reer galbeedka ayaa dhanka kale tilmaamay in Xaalada Soomaaliya haatan soo yara wanaagsananeyso hadana ay jiraan dad kale oo ku dhibaateysan meel badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya haba u badnaadaanee goobaha wali ay gacanta ku hayaan Al-shabaab,sida ay hadalka u dhigeen.
Dadka geeriyooday ayaa ah kuwo dhibaato ay ka soo gaartay abaarihii dalka Soo maray,iyagoo inkastoo waqtigooda dhamaaday hadana ay waayeen gargaarkii bini-adanimo ay u baahnaayeen.