|

In Kabadan 20-ruux oo ku geeriyooday Qaraxyo ka dhacay Waqooyiga Nigeria

Kano March 19 2013 (SDN)—Ugu Yaraan 20-ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi kabadan waa ay ku dhaawacmeen Qaraxyo xoogan oo gilgilay Magaalada Kano ee Waqooyiga dalka Nigeria.

Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ka dhaceen goob la dhigto Gawaarida oo ku taala degmada Sabon Gari oo ka tirsan Kano, waaxaana la tilmaamay in dadki ku dhintay ay u Badnaayeen Kirishtan kayimid Koofurta dalka Nigria.

Saraakiisha Booliska Nigeria ayaa sheegay in ilaa iyo hada aan la garaneyn Bartilmaameedka qaryadan laakiin loo maleynayo in kooxo Kirishtan ah oogawaarida goobta tiilay la socday lala bartilmaameedsanayay.

Majirto Cid Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi hase ahaatee Waxaa la rumeysan yahay in ay ka danbeyso Kooxda Boko Xaraam oo Sameyn badan ku leh gobolada Waqooyi ee dalka Nigeria.

Comments are closed