In ka badan 100 Dal oo Saxiixay Sharci mamnuucaya hubka Nukliyeerka iyo Somalia Dibada ka Joogtay
New York 10. July 2017 (SDN/QJ):- Shir ay isugu yimaadeen inta badan dalalka Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa lagu saxiixay sharci cusub oo mamnuucaya gebi ahaan hubka Nukliyeerka.
Codbixinta ka dhacday magaalada New York ayey diideen inay ka qeyb qaataan in ka badan 40 wadan oo u badan dalalka iyagu heysta hubka nukliyeerka iyo wadamada taageerada militari ka hela dowladaha heysta nukliyeerka.
Dalalka diiday inay saxiixaan heshiiskan waxaa kamid ah kuwa xubnaha joogtada ka ah Qaramada Midoobay sida, Maraykanka, Ruushka, UK, France, China iyo xulafadooda.
Waxaa sidoo kale codbixintan ka maqnaa dalka Soomaaliya. Macada sababta Soomaaliya uga maqneyd codbixintan muhiimka ah ee ka dhacday Qaramada Midoobay.
Hase yeeshee inta badan dalalka caalamka oo gaaraya 122 wadan ayaa saxiixay heshiiskan cusub oo sharciyan ku khasbaya dalalka saxiixay inay burburiyaan hubkooda nukliyeerka, aysan keydsan ama ku hanjabin isticmaalka hubka nukliyeerka.
Wadamada iyagu codbixinta ka qeyb qaatay ayaa kuligood isku raacay baabi’inta hubka nukliyeerka ee caalamka marka laga reebo dalka Netherland (Holland) oo isagu MAYA u codeeyey. Holland ayaa ahayd dowlada kaliya ee xubinta ka ah NATO oo ka qeyb qaadatay codbixintan. Dalka Holland ayaa kamid ah dalalka ay yaalaan kaydka hubka Nukliyeerka uu leeyahay Maraykanka.
Dalka Singapore ayaa isaguna ka aamusay codbixinta.
Dalalka iyagu diiday inay gebi ahaan ka qeyb qaataan codbixinta ee ah kuwa heysta Nukliyeerka gaar ahaan Maraykanka, UK iyo France ayaa ku baaqay in sharcigan uusan xiligan ku habooneyn, isla markaana aysan macquul ahayn in ay burburiyaan hubkooda nukliyeerka xiliga ay ka cabsi qabaa barnaamijka nukliyeerka ee dowlada Kuuriyada Waqooyi.
Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo sharcigii hore loo saxiixay sanadkii 1970 ee loo yaqaan [Non-Proliferation of Nuclear Weapons (NPT)], kaasi oo qeexayey in hubka nukliyeerka ay heysankaraan wadamo kooban oo kaliya. Heshiiskaasi hore ayey saxiixeen illaa iyo hada 191 wadan.
Waxaa sanadihii danbe isa soo tareysa cabsida laga qabo in mustaqbalka dhaw uu dhaco dagaal la isu adeegsado hubka Nukliyeer, iyadoo inta badan dalalka Caalamka ay aaminsan yihiin in ay haboontahay in hubka nukliyeerka gebi ahaan laga mamnuuco caalamka, maadaama uu khatar ku wada yahay dunnida oo dhan.