Imisa Tahriibe ayaa 10-Kii Sano ee Ina Dhaafay u Geeriyooday Dhibaatada Suudalka?
Washington:Oct,02,2014(SDN/QJ)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Dadka Dadka Qaxaya ee IOM, ayaa daaha ka Fayday tirada dadka tahriibayaasha afrikaanka ah ee Tobankii sano ee ugu dambeeyey ku dhintay tahriib ay ku jireen.
Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Muhaajiriinta Caalamku, waxay tilmaamay in laga soo bilaabo sanadkii 2000, ay dad Tiradooda lagu sheegay 40,000 iska carareen dalalkoodii.
Inka badan kala badh dadkaasi ayaa la sheegay inay biyaha ku dhinteen, waxaana hayadu ay ku sheegtay in 22,000 ruux ay ku dhinteen xili ay doonayeen inay u gudbaan qaarada Yurub.
Ku dhawaad 6,000 oo muhaajiriin ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen xili ay doonayeen iney ka gudbaan xuduuda dalalka Mareykanka iyo Mexico, sidoo kale 3,000 oo muhaajiriin ah ayaa ku dhintay xili ay donayeen inay ka gudbaan lama dagaanka Africa iyo badweynta India.
Arrinta dadka doonaya inay tahriib ku gaadhaan qaaradda Yurub ma ah wax joogsaday, waxana si joogta ay u dhintaas dadkaas doonaya inay qaaradda Yurub gaadhaan, isla-markaana sii maraya biyaha u dhexeeya Yurub iyo afrika.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com