|

IMF oo dhameystirtay dib u eegista Barnamijka Deyn cafinta Soomaaliya

Nairobi May 30, 2024 (QJ)-Guddiga fulinta ee IMF ayaa soo gabagabeeyay dib u eegistii ugu horreysay ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya, iyagoo ansixiyay in si degdeg ah loo bixiyo illaa 10 milyan oo doolar si loogu taageero siyaasadda dhaqaalaha Soomaaliya.

Kaalmadan ayaa lagu dari doonaa miisaaniyadda dowladda Soomaaliya, iyadoo wadarta guud ee taageerada dhaqaale ee IMF ay siiso Soomaaliya laga dhigi doono 50 milyan oo doolar.

IMF ayaa sidoo kale xustay in kobaca dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu gaaro 3.7 boqolkiiba sanadka 2024, halka sanadka 2023 uu ahaa 2.8 boqolkiiba.

IMF ayaa sheegtay in taageeradan ay la jaan qaadayso qorshaha horumarinta Soomaaliya iyo himilooyinka fog ee dowladda ee ah ilaalinta xasilloonida dhaqaalaha, kobcinta dakhliga iyo horumarinta maamulka maaliyadda.

Bishii Disembar ee sannadkii hore, Soomaaliya waxay gaartay horumar la taaban karo markii laga cafiyay qeyb badan oo ka mid ah daymihii lagu lahaa. IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay hadda haysato fursad wanaagsan oo lagu sugi karo deeqaha caalamiga ah iyo maalgashi la taaban karo.

Comments are closed