|

IMF Oo 22-sano Kaddib Si Rasmi ah u Aqoonsatay dowladda Soomaaliya

London April 13 2013 (SDN)– Hay’adda Lacagta aduunka ee IMF ayaa markii ugu horeysay mudo 22-sano kadib oo dalka dagaalo iyo fowdo ku soo jiray aqoonsatay Xukuumada Soomaaliya.

Aqoonsigaan hay’ada Lacagta aduunka ay siisay Soomaaliya ayaa sahlaya in hay’ada Lacagta aduunka taageero farsamo iyo mid siyaasadba ay u fidiso dowlada Soomaaliya oo haatan doonaysa inay ka gudubto caqabadaha ku hor gudban oo u diidan horumarka.

Hayeeshee,hay’adda Lacagta aduunka ayaa sheegtay inaysan jirin Lacag ay deemineyso Soomaaliya,tan iyo inta ay iska bixineyso Lacago deen ah oo lagu leeyahay oo gaaraya 352m.

Mas’uuliyiinta hay’ada Lacagta aduunka ayaa ku micneeyay aqoonsiga Mudo 22-sano kadib ay siiyeen Soomaaliya,oo dooneyso in si tartiib tartiib ah u dhisato dalka oo burbur xoogan uu ka muuqdo.

“Hay’ada Lacagta aduunka waxay si rasmi ah u aqoonsatay dowlada Federaalka Soomaaliya,uu horkacayo Xasan sheikh Maxamuud,arintaana waxay wada u xaareysaa dib u soo noqoshada xariir hay’ada iyo dowlada,”ayaa lagu yiri warbixin IMF soo saartay.

Si kastaba ha ahaatee Soomaliya ayaa xubin ka ahaan jirtay hay’ada Lacagta aduunka tan iyo 1962,waxaana arintaasi rajo xumeeyay dagaalkii sokeeye dalka soo maray.

Wadamada Deeq bixiyaasha ayaa iyagu waxay si habsami leh u aqoonsanayaan dowlada Soomaaliya tan iyo doorashadii Madaxweyne Xasn sheek Maxamuud.

Dhawaan ayaa xukuumada washiton waxay si rasmi ah u aqoonsatay dowlada Soomaaliya mudo 22-sano ka dib,iyadoo dib u soo celisay xariirkii diblumaasiyadeed.

Comments are closed