|

Imaaraadka oo weeraray burcad badeed Soomaali ah

Bossaaso March 15, 2024 (QJ) -Ilo wareedyo ku dhow dhow burcad badeeda Soomaalida ayaa ku waramaya in shalay markab dagaal uu weerar ku qaaday markabka afduubka loogu heysto xeebaha Soomaaliya.

Markabka dagaalka oo la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay ciidamada badda Imaaraadka Carabta, ayaa ujeedkiisu ahaa inuu soo badbaadiyo 23-shaqaale ah oo lagu haystay markabka MV Abdullah ee Bangladesh.

Dagaal xooggan ayaa dhexmaray markabka dagaalka iyo burcadbadeedda intii uu socday howlgalkii xalay oo Khamiis ahayd, iyadoo howlgalka uu la kulmay caqabado waaweyn.

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa la sheegay inay ku hanjabeen inay dili doonaan dhammaan badmaaxiinta, haddii markabkii dagaalka ee weerarka soo qaaday uu joojin waayo howlgalka lagu badbaadinayo oo uu ka baxo goobta.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sameeyay dadaalo lagu hakiyay hawlgalka, iyadoo la qorsheyay in ugu yaraan 20 mayl-badeed meel u jirta goobta lagu hayo markabka MV Abdullah la geeyo ciidamada UAE.

Comments are closed