|

Ilmo yar Oo Xalay lagu Soo Tuuray Guri Hargeysa Ku Yaalla Iyo Booliska Oo Rasaas Isicmaalay

Hargeysa:28-Sep-2013(SDN)- Ilmo yar oo ku dhawaad lagu qiyaasay inuu Habeenno jirey ayaa xalay fiidkii Abbaaro 8:300pm waxa la soo hor dhigay kaabad guri ku yaalla xaafadda Gol-janno ee magaalada Hargeysa oo aan la garanayn cidda dambigaas samaysay.

boolisQoyskii ilmahan yar Albaabkooda la soo dhigay ayaa mar kaliya waxa ay ku warheleen qaylada ilmaha yare e Albaabkooda ka baxaysa, degdeg baana ay u qaadeen iyagoo oo markiiba Booliska Wargeliyey.

Markii ciidanka ammaanka Gurigaas soo gaadheen si ay ilmahan yar u qaadaan waxa si kedis ah u soo gaadhay gurigii qoys kale oo sheegtay inay ilmahan yar dhaleen xaalad hinaase ahina ay keentay in gabadhooda oo ilmahan yar dhashay ay sidaas u samaysay iyaguna doonayaan inay qaataan.

Ciidanka Booliska ayaa iyagu diiday codsigii qoyska Doonayey inay Ilmaha yar qaataan, waxana ay u sheegeen in baadhitaan dheer la samayn doono si loo xaqiijiyo cidda ilmahan yar dhashay.

Muran dadan oo halkaasi ka dhashay ayaa keenay in ciidanka Boolisku rasaas u isticmaalaan Dad badan oo halkaas ku soo ururay, waxana ay taasi keentay jaahwareer badan oo lama filaan ah.

Ilmihii yaraa ayaa la sheegayaa in illaa iyo hadda uu ciidanka Boolisku gacanta ku hayo, waxana ay ku hawllan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen cidda ilmahan yar soo tuurtay ee dambigan geysatay.

Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ka dhaca magaalada caasidamadda ah ee Hargeysa, waxana inta badan iska dhacda in la arko ilo yar oo meel lagu soo tuuray sida kan xalay oo kale.

 

SDN.

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed