“Illaa Maalintii Aanu Xilka Qabanay waxa Soconayey Maal-gashadayaal, Haddana wax Midho Dhal ah May Soo Saarin,” Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.
Hargeysa:17-Nov-2013(SDN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa farta ku fiiqay Natiijo La’aanta ka dhalata Maal-gashiga Somaliland oo dib u dhac badani ka muuqdo.
Mudane Saylici oo maalintii shalay ka Hadlayey Madal lagu furayey Xafiiska Maalgashiga ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland, ayaa sheegay in tan iyo intii Somaliland jirtey ay waddanka ku soo Qulqulayeen dad sheeganayey Maal-gashadayaal, balse aanay wali taasi keenin wax Natiijo ah oo la taaban karo, “maalgashigu ilaa maalintii aanu qabsanay illaa maanta, way soconayeen Uun maalgashadayaasha caalamiga ahi, laakiin wax midho dhal ah may jirin, waxana culays nagu Haysay sidii dadkan ina dhaafaya loo fadhiisin lahaa oo maalkooda ay waddanka u gashan lahaayeen, waxana aanu xafiiskii maalgashiga ka dhex abuurnay wasaaradda ganacsiga.” Ayuu yidhi Mudane Saylici oo Dhibaatada Maalgashiga waddanka ka Hadlayey.
Sida Muuqata Maal-gasadayaasha caalamiga ah ayaan iyagu ku Hakan Somaliland, islamarkaana aan ku dhiirran inay lacagtooda ku aaminaan, waxana ay inta badan ka noqdaan waddanka indho indhayn gaaban ka dib.
Maalgashi La’aanta ka jirta Somaliland iyo Waxa Sababa in dadka intiisa badani kala yaacaan maalkooda, ayaa loo Nisbeeyaa arrimo Badan oo ka taagan waddanka Wakhti Xaadirkan, kuwaas oo u baahan in xal degdeg ah loo raadiyo si waddanka loogu soo dabbaalo dadka lacagta Haysta ee meelaha kale ka doorbidaya.
Arrimaha ugu xaasaasi san ee Somaliland Maanta Ka Hortaagan in Maal-gashi muuqda oo midho intifaac leh soo saara, ayaa waxa ugu Horreeya Bangi La’aan ka taagan Somaliland, Qofka Maanta Damca inuu maalshado waddankuna ma Hayso Wax Baan ah oo uu ka qaadan karo wixii uu Hadba lacag u baahdo amaba uu ku shubto oo uu ku Aamino, taasina waa mid ka mid ah Rukumada ugu Muhiimsan ee aan Somaliland Maal-gashigeeda loogu soo dhiirran Karin.
Arrin kale oo muhiim ah, islamarkaana Hortaagan in Somaliland Maalgashigeeda lagu soo dhiirrado, ayaa ah inaanu Haba yaraate’e jirin wax sharci ah oo lagula dhaqmayo ama lagu Hagayo shirkadda Doonaysa inay waddanka Maalgashato, mana yaallo wax sheegaya oo caddaynaya waxa laga yeelayo Haddii shirkaddaasi ay kacdo ama waxa kale ku yimaaddaan.
Xafiiska Maal-gashiga Oo Hadda uun la sameeyey ayaa isagu Daweeyey mid ka mid ah caqabadihii hore uga jirey in maalgashi si fudud loo abuuro, maadaama ay hore u jirtey Jarran-jarrooyin Badan oo qofka maalgashadaha ahi ku jaahwareeri jirey ay hore uga jireen Somaliland Haatanse lagu soo ururiyey Xafiiska Maal-gashiga ee wasaaradda Ganacsiga Somaliland.
S.D.N