|

“Ilayn waa Xukuummad leh hab dhaqankii tii Siyaad Barre oo lafteedu Faqash kale ahe waxay jecel yihiin madal……” Cali gurey

Hargeysa:21-April-2014(SDN/QJ)-Guddoomiye Ku -Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID,Cali  Maxamed  Yuusuf (Cali Guray),ayaa Dareen shaki leh ka muujiyey hannaankii si wada jir ah loogu xusi lahaa maalinta Madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May.

GUREYCali Gurey, Waxaa kale oo uu Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay inay la mid tahay tii Kali taliye Siyaad Barre oo muddo 21 sannadood ah dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya qori caaradii kaga talinaysay, isla-markaana meel halis ah ku ridday.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban uu ku baahiyay boggiisa Facbook,waxaanu yidhi

“Xataa haddii aan ku suganahay UK haddii Alleh yidhaa 18 May ma garanayo sida iyo halka aan ku xusi doono munaasibadaasi oo ah mid taariikhi ah. Sida aynu uga baranay xukuumadan ama aan idhaahdo Madaxtooyada Siilaanyo waxay isticmaalaan Kombuutar muwaadiniinta kala qayb qaybiya oo u kala saara qolo qolo, iyo kacaan iyo kacaan diid.”

Mujaahid Cali Guray Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID oo qoraalkiisa sii wata ayaa yidhi.

“Ilayn waa Xukuummad leh hab dhaqankii tii Siyaad Barre oo lafteedu Faqash kale ahi waxay jecel yihiin madal guulwadahu is qaatay oo ay ka hadlaan inta gudhan ee galoofta ahiye waxa lagu hayaa noqon maayo wax ganac leh ee waxa uu noqon karaa uun guulwade Siyaad,aabihii garashada, geyigaayagow. Xataa lagama yaabo dadka cid uga warami karta sidii ay wax u dhaceen maalintaa lafteeda inay goobta ka soo xaadiraan,.

Marka aan taa ogahay aniga wax xiiso ah oo ii haya in aan la guulwadeeyo guulwadayaashu ma jiraan. Xaqiiqada maanta ina hor taalaana waxay tahay 18 may haddii aan loo hiilinayn oo aan loo aarayn waxba uma tarayso in loo ooyo ama loo dabaaldegaa marka gebi ahaanba guushii halgankii dib u xoraynta Somaliland uu u dhurto LAF GURI TAAL OO DHURWAA WALIBA UU RUUGI KARO,Inta ka qayb qaadata xuska 18May hadii aanay noqon dad hoos loo soo wada taabtay oo sooc ah lagu na iidamay shakhsiyaad faro ku tiris ah oo gaadh laga hayo sida aynu ka aragnay madalo badan oo magaca xukuumadan lagu soo agaasimay kumbuyuutarka ayaa u kala saaraya,

WAA INAGA

INAGA MAAHA

WAA IYAGA

IYAGA MAAHA”

Ayuu qoraalkiisa ku soo afmeeray Guddoomiye ku-xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID

 

S.D.N/QJ.

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed