|

ILAMADEERYAAL MASJAADIKA CIYAARTA KA DAAYA OO DOORASHADA BEENTA KA DAAYA!!!!.

Salaan qiimo badan ka dib

 

Dadka reer Somaliland gaar ahaan beesha Dhexe, sadex shay ayaa dhiigadooda iyo nolashooda la falgaley ama kaba mid noqdey nolol maalmoodkooda.  Waa Aqoonsi, Dawlad la doorto, iyo Doorashooyin lagu doorto!!!

Sadexdaa arimood mid waa ku heshiis, mid wey isku dhacaan, midna way ku ciyaaraan ama ku lacaabaan!!!

 

Mid waa ku heshiis oo weynu goosaneyda iyo citiraaf sugida waa ku heshiis, yacnii 95% midhkaasi waa wey ku wada socdaan, wuxuu ilaahey kala kulansiyo iyo meel ay la gaadhaba, qodobkaasi waa mid mutafaqa oo ay ku qanacsan yihiin . Inkasta oo aaney ama aan lagaba hadlin wax plan B.  hadii uu midhkaasi socon waayo, albaabkena exit.ka ama halka ku xigtaa waa halkee taasi waa mid meesha ka maqan!!!!!!.

 

Mid wey isku dhacaan oo waa la isku boobaa, dawladnimada iyo kuraasida waa la isku booba.  Waxaana boobka geysta inta kolba kuraasida dawlada ku fadhiisata welibana si qeyral caadiya oo daalac yaa shamis ayaa loo booba looguna takri fala hantida umada ka dhaxeysa. Cid denbigaa loo qabto iyo cid la xisaabtanta ka wax boobey ma jirto ileyn waa tuug reerkoodu soo doortaye, hadii lala hadlana reerkiisa ayaa odhanaya ”Tuugayaga sidee loo hadlaa ileyn tuug tuug ma qabto`e!!!!!

 

Midna wey ku lacaaban ama ku qooqaan, oo waa Doorashooyinka, waxaanad mararka qaarkood is odhaneysa, aduunyada caadiga la isu doorto ayaa ku xanaaqi doonta oo odhan doonta ka daaya doorashooyinka ciyaarta cidhibtiin godaye !!!!!!. Imika bal u fiirso Silaanyo oo imika dawlada jirta xukuma wixii lagu doortey miyaaney oolin mise la daaydiyey, maxaa keena sanadkasta diwaan gelin iyo kolba in dib loo soo bilaabo. Waa Tom iyo Chery….!!! Waa ciyaartii jiirka .

 

 

Waxaan ku soo xidhaya waar  ilmaadareeyal Masaajidka ciyaarta ka daaya. Koleyba inta la damdam leeyo oo qaybaalada lagu gaas iyo caano shubto, qaadka aad loo cuno, oo laalushka, ku shubashada, iyo Sibiil yaa Qaabilta lagu xadereeyo  ayaa waxaa maxsuulku noqon doona in koox tuugo ahi uun kuraasida ku fadhiisato. Hadba mar hadii ay tuug idiin tahey, ama tuugtan hore ee joogta  iska daaya ha joogene, ama tuugta danbe si reer magaalnimo ah ku keena iskana ilaaliya inaad isku xanaaqdan iley Champion ciyaari maysaan ee sharabaad ciid lagu gurey ayaa ku ciyaareysaane. Ka jooga iyo kai man doona  midna waxba idiin qaban maayo, waxa la isku hayaana  waa iiga kac aan dhiiga markeyga ka jaqee, iyo sideen kuugu baaneyaa, anigaabu afku i casyahey ee dhiigii faraha kula jire`e

 

Dawlanimadu may xanaaqdo

Dambiga la galayaa muu dilaaco

Duunyada la dhacaayo maa

Dacuun iyo maa xanuun

Dab maa lagu hunqaaco

Shicibku dantiisa muu ogaado

Qabylaadu may dulaanto

Ilaaley dalow dheer ka tuuro

Dhalinyarada dool dhaqaaqdey

Dalkoodu ka daaduumaya

Ilaahey muu Qaar damiir leh

Daacadoo nolal ugu dadaala

Ilaahey muu doorkan keeno.

 

Aamiin yaa Allah

Alla mahad leh

Osman Omar Dool

 

 

 

Comments are closed