|

Ilaalada Wasiir Warancade oo Gacan ka Hadal kula Kacay Xildhibaano ka Tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Berbera DAAWO

ILAALADABerbera 05.Nov 2014 (SDN/QJ)-Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayay Ciidammada ilaalada ah ee Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, maanta ku garaaceen kidinka xarunta dawladda Hoose ee Berbera, kuwaasoo ay qaarkood inay si xun u garaaceen Askarta RRU-da oo la socday Wasiirka oo wakhtigaas kulan kula lahaa Madaxda dawladda hoose ee Berbera xaruntooda.

Xildhibaannada la garaacay ee ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo qaar ka mid ah Dadkii goob-joogayaasha ahaa, ayaa Saxaafadda uga warramay siday wax u dhaceen iyo qaabka Mudanayaasha Golaha Deegaanka oo doonayey inay galaan xarunta kulanka Wasiirka iyo Maayerku ka socday ee isla dawladda hoose ee Berbera, iyada oo Warbaahintuna soo badhintay Muuqaallada iyo Sawirrada ay ka duubeen dhacdadaasi siday u dhacaysay iyo qaabka ay ku bilaabantay.

Haddaba, Warbixintaas oo dhammaystiran, isla markaana Muuqaal ah waxaannu idiinku soo soo gudbinaynaa halkan hoose ee Daawasho Habboon:-

Comments are closed