|

Ilaalada Gaarka ah Ee Madaxweyne Faroole Oo Qarxiyey Miino La Soo Dhigay Aqalka Madaxtooyada Agtiisa

Garowe:24-Aug-2013-(SDN)-Miino nooca lagu farsameeyo Somalia ee lagu qarxiyo Taleefanka Mobile-ka ayaa gelinkii danbe ee Jimcihii waxa la dhigay Agagaarka Aqalka Madaxweyne Faroole.

ilaaloMiinadan oo aan la garanayn xilliga rasmiga ah ee goobtaas la dhigay, waxase ay dadka deegaankaasi ku wargeliyee ciidana ammaanka inay miino taalo aqalka madaxtooyada agtiisa, iyadoo ciidankuna ku guulaysteen inay qarxiyaan miinadaas oo aanay cid wax yeellayn.

 

Howlgal muddo saacado qaatay ayey ciidamada Boolisku ka fuliyeen xaafadda  1-da Augost, walina lama sheegin cid laga shaki qabo oo la soo qabtay.

Taliyaha qeybta Booliska ee Gobalka Nugaal C/raxmaan Xaaji Abshir ayaa ka warbixiyay Miinadaasi lagu aasay xaafada uu degan yahay Faroole isagoo sheegay in kooxaha soo dhigay qorshahoodu ahaa iney ku waxyeeleeyaan dadka shacabka.

 

Hore  uma ay dhicin in meel sidaas ugu dhaw aqalka madaxtooyada Puntland lagula soo dhiirrado miino noocan oo kale ah, waxase dhici jirtey inay dilal iyo rabshado kale ka dhacaan Magaalooyinka kale eePuntland, iyadoo arrintani shaki badan ku abuurtay shacabka xaafaddaas degen.

 

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed