|

Ilaahay Dartii Nagala Qeyb-qaado Arrintan Argagaxa Leh

Anigoo Rashiid Sulub Caalin ah, degan Hargeysa, islamarkaana 30-kii sannadood ee u dambeeyey laygu bartay inaan ka shaqeeyo hawlo samafal, dhowaana markay hawlahaasi igu bateen aan goostay inaan kuwa ugu dhib badan, ee ay soomaalidu tidhaahdo ‘looma-ooyaanka’ aan gargaar u fidiyo inta karaankayga ah, sidaas daraadeed Waxaan soo ban-dhigayaa kana codsanayaa arrin argagax igu abuurtay, indhahana aan ka qabsan kari waayey, taasoo ah gabadh dhalinyaro ah, oo ka dhalatay qoys faqiira, magaceedana la yidhaahdo Saado Cali Cilmi, da’deeduna waa 22 jir. Gabadhan wuxuu xannuun halis ahi ka haleelay kaadihaysta, xannuunkaasi oo afka qalaad lagu yidhaahdo ‘extrophy’, waa xanuun lagu dhasho, waa xanuun kaadihaysteena asturan, ee ku jirta xundhurta hoosteeda dibadda dhigaya, waxaanu ka yimaaddaa daboolki hore ee caloosha, ee dahaadhi lahaa kaadihaysta oo maqan, kaadihaystiina waxay iska taallaa dibadda, dhuumihii kaadihaystuna si bilaa-dareen ah ayey iska socdaan.

Sida uu sheegay Dr: Deeq oo ka hawl-gala Edna Maternity Hostpital kuna takhasusay cudurada dumarka iyo dhakhtarro kaleba waa xanuun lagu dhasho sida faruurta lagu dhasho oo kale, waxaanu ku dhacaa 400,000 qofba qof. Gabadhan dhalinyarada ah, ee dhibban waxay xanuunkan la daalaa-dhacaysay intii nolosheeda ahayd, waxaanay mudataa dhib iyo xanuun joogto ah 24 saacadoodba, iyadoon is-daahirin karayn, bulshada aan soo dhex-gali karayn, socodku uu dhib ku yahay, iyadoo sida carruurta xafaayad mar walba  xidhata, xafayadaas oo dhibaatadeeda, waxaanay damaqdaa diirka kaadihaysta oo aad u jilicsan oo ay xafaayadu qabato, taasi oo ay u sii weheliyaan dhowr arrimood oo haysta oo ay ka mid yihiin qaliin hore oo ay gashay oo aan lagu guulaysanin, kaasi oo ay fuliyeen dhakhtaro magaalada Boorama joogay.

Sida ay dhakhaatiirtu caddeeyeenna waxba lagagama qaban karo xanuunka gabadhan yar waddanka Somaliland gudihiisa, waxaanay sheegeen inay u baahan tahay qaliin wayn oo taxadar badan.

Gabadhan waxay la mid tahay gabdhaheenna waxaanay u baahan tahay caawimo, sida aad dareemi kartana waxay ku sugan tahay xaalad niyad-jab iyo nolol-xumo, sidaas daraadeed dar-ilaahay noogala qeyb-gal dhaqaalaha loo ururinayo, anigoo shaqsi ahaan ugu tabaruci doona inta karaankayga ah imikana aan u qabtay wixii aan u qaban karayey nolol ahaan.

Waxa kale oo ku dhacay gabadhaas yar, inan yar oo saddex jir oo walaasheed ay dhashay iyadoo sidda, ayuu madaxa u dhacay waxaanu dhaawac ka soo gaadhay maskaxda, anigoo ka caawiyey in jimicsi joogto ah loo sameeyo (physiotherapy), waxaanay gabadhani la wadaagtaa dumarka kale ee soomaalida aqoondarro iyo dhaqaale la’aan aad u liidata.

Xannuunka gabadhan yar haysta waa mid inoogu filan ku cibro qaadasho sidaas awgeed waxaan dhammaan ummadda muslimiinta ah ee gargaar u fidinaysa laga codsanayaa inaad wixii karaankiina ah ee aad ku caawinaysaan gabadhan aad ugu soo hagaajisaan Accounta No: 5343 ama Zaad: 0634426781 

erd

Comments are closed